Araweelo News Netwok

wasiirkaarrimahagudahafaratoonHargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in aan cidna looga dulqaadan doonin inay carqaladayso ama is hortaagto hawlaha doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan dabayaaqada bisha March ee 2017.
Wasiir Faratoon waxa uu sheegay inay dawlad ahaan diyaar u yihiin sugidda ammaanka dalka, gaar ahaan xilliga doorashada, isla markaana ay arrintaasi ka yeelanayaan qorshe cad muddada ka dhiman doorashada.
“Sidii aannu waxyaabihii hore ee hadday noqoto diiwaangelin ama doorashooyin awalba loogu diyaar-garoobi jiray ayaanu ugu diyaar nahay, waanu u haynaa ciidan ku filan oo amniga ilaaliya, Insha Allaahu weliba muddo ayaanu haysanaa oo intaana wixii naga dhiman ayaanu kaga talogali doonaa oo ka sii diyaargaroobi doonaa, uma aragno in aannu wax dhibaato ah kala kulmi doono in aannu amniga ilaalino doorashooyinka iyo wixii kale ee hawl ah ee la qabanayo.
Cid loo dulqaadanayo ma jirto hawlahaa doorashada cid carqaladaysa ama ka hortimaada ama isku dayda inay dhibaatayso oo hakiso cid laga yeelayaa ma jirto, dawladduna waa u diyaar,” ayuu yidhi Md. Yaasiin Faratoon oo u warramay telefishan la yidhaa SBC.
Dhinaca kale, Wasiirka Daakhiligu waxa uu ka hadlay xallinta shaqaaqadii dhawaan laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaray deegaanka Ceel-Afwayn, waxaannu xusay in nabadaynta arrintaasi meel fiican marayso.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu ydihi, “Dawladdu shaqaaqadii Ceel-afwayn awaamiir iyo xukun ay riday bay ka soo saartay, iminkana waxaannu ku hawlanahay awaamiirtii, ballanqaadyadii iyo go’aamadii aannu halkaa ka gaadhnay sidii aannu fulintoodii u dhammaystiri lahayn, meel wanaagsan bay noo maraysaa, dhakhso ayaanay u fulayaan awaamiirtii iyo go’aamadii, haddii aannu go’aamadaasi aannu ku ballanqaadnay dhammaystirnana waxaannu filaynaa in aannu inta kalena is raacino oo markaa labadii beelood la isu keeno oo heshiis iyo nabad la dhex dhigo.”