Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu habeenimadii xalay iyo maantaba shirar deg-dega la yeeshay Hay’addaha madaxa bannaan ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankaas oo la xidhiidha sidii gurmad degdega loo gaadhsiin lahaa dadka ay sameeyeen duufaanadii ku dhuftay xeebaha Somaliland oo geystay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana kulankaasi lagu go’aamiyey in dadkaasi la gaadhsiiyo cuntooyin, bustayaal iyo adeega caafimaadka sida ugu dhakhsaha badan.

kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ku baaqay Halkan ka Daawo.