wasiiradaarrimaha qoxootigaHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba joojisay dadka Qoxootiga ah ee kasoo qul-qulaya dhinaca dalka Yemen, kuwaas oo tan iyo markii dagaalku ka bilaabmay dalkaa ay dhinaca Somaliland uga soo gudbeen ku dhowaad 3,000 qof oo u baddan dad u dhashay Somalia.
Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay weheliyaan Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa maanta, kaas oo ay ku sheegeen in qaxooti tiradoodu ka badan tahay 3,000 kun oo qof soo gaadheen Somaliland muddada dagaallada Yemen socdeen, sidaa darteedna hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka bani’aadaminimo fidiyaa ka gaabsadeen in ay caawimo ka geystaan sidii dadkaa wax loogu qaban lahaa.

“Waxaad la socotaan in dawladda Somaliland ay gacmo furan ku soo dhawaysay dhibaatadii ka dhacday Yemen awgeed, dhalashaday doonaan ha lahaadaane dadka ka soo qaxaya Yemen in aynu ku soo dhawayno dekedaheenna iyo dhulkeenna, wixii aynu tari karnana aynu tarno oo aynu qaabilno qaxootiga hadday yihiin Yemen, Soomaali, Ethiopian iyo cid kasta oo Yemen ka soo qaxda, maantana dalkeenna waxa joogta tiro go’an oo ilaa saddex kun iyo dheeraad ah oo dadkii Yemen ka soo qaxay ah.

Waad ogtihiin oo marka dunida had iyo jeer qax amma baro-kac ka dhaco waxa u gurmada caalamka, khaasatan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadaninimada iyo kuwa gargaarka fidiya, waxa soo baxday, iyadoo kumanaankaas qof ay joogaan Somaliland oo u badan dadka Soomaaliya in hay’adihii ay ka gaabiyeen. Dawladda Somaliland waa dawlad yar oo aan wali dunida laga aqoonsan, intii hore annaga la kacaa kufnay oo hayna ee waxa dambe ee soo qulqulaya way naga xoog badan yihiin, waanay naga awood badan yihiin dhaqaale ahaan,” ayuu yidhi Cali Maxamed Warran-cadde.

Waxa kaloo uu sheegay in sabab kale oo dhinaca ammaanka la xidhiidha loo mabnuucay dadka qaxootiga ah, waxaannu yidhi; “Ta labaad waxaad la socotaan in caalamku uu welwel weyn ka qabo xagga nabadgelyada oo dadka masaakiinta ah ee qaxoontiga ah ay ku dhuuntaan dad qas wadayaal ah, sidaa aawadeed caalamka waxa aan u sheegaynaa ilaa inta aan ka helayno caawimo xagga nabadgelyada ah oo aannu dunida la kaashano iyo inta loo helayo wax ay dadkaasi quutaan laga bilaabo bari (Isniinta maanta) waxa aan joojinay dadkii ka imanayey Yemen, maadaama dhinaca nabadgelyada iyo dhinaca quudintoodii dadkaa reer Soomaaliya ee hay’aduhu diideen quudintoodii in anaannu quudin karin, awoodna u hayn, hawshoodiina la nagaga baxay, sidii aan ula galgalan lahayna inta joogta diyaar baannu u nahay, sidii aan u gaadhsiin lahayn meelahay degenaayeena diyaar baannu u nahay.”

Dawladda Somaliland, ayaa hore u sheegtay inay si diiran u soo dhawaynayso dadka qaxootiga ah ee ka yimaad dalka Yemen, iyadoo ay hadda Somaliland ku sugan yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah, ilaa haddana lama oga saamaynta go’aankan cusub ee Somaliland qaadatay ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ka qaxaya colaadaha Yemen oo u baddan haween iyo Caruur, kuwaas nafahooda kala soo carayaya duqaynta xulufada Sucuudiga ee dalka Yemen iyo dagaalka gudaha ka socda ee u dhexeeya Xuutiyiinta ay is bahaysteen Ciidanka Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Malayshiyada taageersan Madaxweynaha Masaafuriska ku maqan ee Sucuudigu taageero Cabdorabo Mansour Hadi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews