Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aamisay in muranka doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanka loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka si ay go’aan uga soo saarto.

Sidaana, waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Fadhigii 62aad ee golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland  yeesheen, kaas oo loo qabtay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference).

Shirka golaha wasiirada  oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka,  sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network.

War-saxaafdeedka, ayaa lagu yidhi, ” wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyay xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo, isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021.

Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Gebegebadii, waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.