seylici1Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa si indha-la’aan ah ugu wareejisay Wershedda Laydhka Hargeysa Shirkado ay leeyihiin Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo mid ka mid ah Wiilasha uu Madaxweyne ku xiggeenka Somalilad ku indha kuusho ee Ina Xaamud oo ay walaalo yihiin wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Technolojiyadda.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay munaasabad Wershadda Laydhka ee Hargaysa loogu wareejinayey shirkadaha ganacsatada, waxayna talaabadani u muuqataa mid wiiqi karta nidaamka dawliga ah iyo in dadku aaminaan xukuumadda, iyadoo layaab ay ku noqotay Bulshada saamiga la siiyay ganacsatada iyo saamiga ay xukuumaddu la hadhay oo aad uga fog nidaamka iyo sharcuga shirkad ummadu leedahay saami looga siiyo ganacsato, ama shirkaddo gaar loo leeyahay.

wasiirka Hawlaha guud

sidoo kale waxa saluug weyni ka muuqdaa habka gebi ahaanba qaabka loo maamulay oo u muuqda mid meel ka dhac ku ah masuuliyadda iyo Illaalinta hantida qaranka ee ummadda ka dhaxaysa oo Wershadda Laydhku ka mid tahay oo Xukuumaddu shacbiga masuul uga tahay, isla markaana ay iibin karto, ama kirayn karto marka loo maro sifaha iyo dariiqa sharciga iyo qaanuunka dalku u jideeyay.
Halkan Ka Daawo Munaasibada lagu wareejiyay Wershedda Laydhka Riix.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com