Araweelo News Network

“Caqli iyo xikmad Aad idinku Leedihiin Kuma kala Joogtaan ee Waxaa Ku kala Joogtaan Awoodda Dawladda Somaliland.” Wasiir Maxamuud Xaashi


Laascaanood(ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaaminaya Wefti balaadhan oo ka socda Dawladda oo ku sugan gobolka Sool ayaa shaaciyey in Xukuumaddu ay saacadaha soo socda go’aamo adag ka soo saarayso Collaada ka socota Koonfurka gobolkaasi ee u dhaxaysa dadka walaalaha ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi iyo weftigiisa oo ay ka mid ahaayeen Saraakiisa u sareeya ee ciidamada Qaranka ee Somaliland ayaa maanta booqday Deegaanka Dhuumay oo ku yaala Koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo ay kula kulmeen Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ee Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’harrarsame) oo collaad muddo jiitamaysay oo dhiig baddani ku daatay ay ka dhex maraysay deegaamadaa Koonfurta Sool.


Md. Maxamuud Xaashi oo meel fagaare ah kala hadlay dadka halkaasi ku dhaqan ayaa ka waramay doorka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadatay dhex galka iyo kala hor joogsida dadkaa walaalaha ah ee dagaalku ka dhaxeeyo, iyo sida ay ugu go’an tahay in collaadaasi loo helo xal waara.

Waxaanu yidhi Wasiirku “ Odayaasha, waayeelka iyo Haweenka reer Dhuumay ee halkan maanta aanu booqashada gaaban ugu nimi iyo intayadan socotada ahba dhamaanba Asalaaamu calaykum. Ugu horayn ILAHAY ayaa (SWT) wax walba qadaray isagaa dunidan oo dhan maamula, qadarka ILAAHAY raali baynu ka nahay, waxa aynu ku jirnaa xaalad adag oo Abaar ba’an oo maanta ina haysata mudo dheer oo lix bilood ah ayaa dadka Somaliland inteeda baddan ku nool ay maanta la tiicayaan tabaalaheedii, waa nasiib darro inaga oo taa nabaradeedii aynu qabno oo gurmadkeedii aynu u faydan nahay oo ay tahay in waxa kaliya ee aynu ka shaqaynaa ay taa noqoto in ay inoo raacdo in waxa kaliya ee aynu gacmaheena ku kasbano oo collaad ah.”

“Colaad iyo Abaari bulshada ay isku galaan waxba kama soo doogaan, way baaba’aan, caqli ahaan iyo damiir ahaan ayey u baaba’aan tiro ahaana way u baaba’aan, haddii Abaar iyo collaad iyo ILAAHAY inagguna keenee cuduro inagu dilaacaan, oo labadaasi ay ka dhashaan waynu jabaynaa, taladuna waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo, waxa aynu u baahan nahay inuu caqligu shaqeeyo, waxa aynu u baahan nahay in aad dantiina garataan oo ILAHAY ka cabsataan, dad rixim ah oo dhaleeyo ah oo qoys ah baa tihiin oo dhulkan ILAAHAY kuwada beeray inaad isu tudhaan, nafahiina u tudhaan aakhiradiinana u tudhaan, ifkiinana u tudhaan, in baddan ayaa laydhin waaniyaa, waa daw xaqbaa la idiinku leeyahay.”

Wasiir Maxamuud ayaa la garnaqsaday Odayaasha Deegaankaasi waxaanu yidhi “Halkan waxaan ka maqlayey Nin oday ah oo ka hadlayey oo yidhi “Xigaalna waanu waynay Xukuumad-na waanu waynay, ” waxaanu leenahay dhibaatada binu-aadamku isagaa keena, dhibtan xigaalkiina ma keenin Xukuumadda Somaliland-na ma keenin, idinkaa gacmahiina ku kasbaday, waa markhaati ma doon in laydiin soo gurmaday, Xukuumadda Somaliland wax Alle wax aanu hagranay ma jirto, waxa kaliya oo dhinaa hal shay, shay’gaasna malaa hadaa nagu khasbaysaan baan filayaa dee in aanu idin layno ayuunbaa noo dhiman, marka aan runta idiin sheego, oo mayd badan oo idinka ah aanu layno. Waxaanu keenay oo sanadkaa aad is dilayseen dushiina iyo hareerihiina tuban waxaa wiil qori madow sita, inamadaa mid keliya aanay deegaankiisii halkani ahayn, ee bacadka Abaarta iyo silica iyo duruufta qaba ayaa idin dul taagan, waa ciidankii loogu tallo galay in hadii cadow shisheeye dibada inagaga yimaadaan inay difaacaan, dee idinku cadow shisheeye ma tihidin, waa ciidamadii loogu tallo galay inay xeryo go’an ku jiraana ayaa maanta dhexdiina taagan, Koobyo toban guuto oo ciidamada qaranka ah ayaa intaa 50KM ah ku hareeraysan mudadaa tobanka bilood ah ee kasoo bilabma ilaa ramadaantii hore, ee shaydaan isku kiin ibtileeyey ee collaadaa iyo dhiig talaalkaa dhexdiinu socday, haday kuwaasi idin dhex joogin maanta jawigani may yeelateen, iska daaye Dhuumay maydaan wada joogteen, waydinkaa masaajidka ku wada tukanaya, waydinkaa magaallada wada jooga, maydaan wada joogteen, Dabataag-na maydaan wada joogteen meelo kalena maydaan wada joogteen. runta aan isku sheegno, dawladdu waa tii taa suuro galisay, maxaanu hagranay hadaanu waxaas oo cudud ah idiin keenay? Oo ciidankiina idinku dul silcay, waxa weeye Kaymaha iyo Buuraha iyo banaanada meel walba ILAHAY ayaa ilaalin kara, waydinkaa meel walba iska doonaya, gaade ayaa isku madhiseen, waar dee ciidamo isku soo duulay oo lixaadle iskumaydaan layn, hadaan ciidamadaasi joogina ila tobankaa bilood, maanta intii collaadu idiin dhaxaysayna tira dadka dhintay waanu garanaynaa dawladdii dalkan ayaanu nahay, hal maalin ayey dadkaasi dhiman lahaayeen hadaanay ciidanku isku kala dhex jirin, maanta caqli iyo xikmad aad idinku leedihiin kuma kala joogtaan ee waxaa ku kala joogtaan caqliga iyo awoodda dawladda Somaliland, markaa waa abaal ka dhac inaad tidhaahdaan waa isku kaayo eegteen, waar iskumaanu kiin dirin iskumanaanu kiin eegin ee waanu idin kala celinay, waanu idinku dhex jirnaa walina waanu idiin maaro la’ nahay, xigaalkiina idinma hagran, Dhuumay intaas oo jeer ayaa egto timid.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Ma dhicin taariikhda reer reer kale meel ka saaray oo ka muquuniyey, miyaa idinku haysaan? Qolo qolo muquunin kartaa ma jirto, ma kala awood badnidin, mana kala itaal waynidin, mar haday sidaa tahay berri marka raggu madho ayuunbaa daali doontaan, maanta sideetan in ku dhaw baa colaadaasi galaafatay oo xabaalo ku jira, boqol iyo kontana waa dhaawac, waa nasiib darro, waa laba boqol iyo sodon dhimasho iyo dhaawac wax ku dhaw, beri ayaa la odhanayaa waar waxa nool ma u talinaa, intaas ayay aakhirka ku dambaynaysaa, dee maynu imikaba u talino intaan dhimashada iyo khasaaruhu badan, waxaanu leenahay oo Nabadda oo intiina wanaagsani iskaashada oo inta xun ka hor kaalaya, oo waxaanu u kaalinaynaa kuwa wanaaga wada ee nagala shaqeeya.”

Wasiir Xaashi ayaa geesta kalena shaaciyey in Xukuumaddu ay saacadaha soo socda go’aamo adag ka soo saarayso Colaadaasi waxaanu yidhi “ Hawshan dawladdu horena waa ugu jirtay maantana waxaanu qaadaynaa talaabooyin kuwii hore ka xoog weyn muddo dheerna daraasad ayaanu wadnay, go’aamo degdeg ah ayaanu wakhti saacado innaga xiga soo saari doonaa, kuwo adag, oo ciday saamayn ku leeyihiin ay labadiinan dhinac tahay,. Hadii ALLE ka dhigo, nin walowba dhagta u taag go’aamadaa, nin walowba adeec go’aamadaa. Cidii go’aamadaa ka hor timaada baryi mayno, sidii rag loo kala muquunin jiray ayaa laydiin kala muquuninaynaa.”

Wa Bilaahi Tawfiiq