Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in lasii wadayo xayiraaddii ay hore u saartay duulimaadyadda shirkaddaha Diyaaraddaha Caalamiga ah ee Fly-Dubai iyo Air Arabia ay ku imanayeen Somaliland.

 

Shirkaddaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo ah shirkaddo Caalami ah, isla markaana laga leeyahay dalka Imaaraadka, waxay duulimaadyadooda Somaliland bilaabeen xilligii ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo heshiishka la gashay Shirkadda DP World ee maalgashiga ku samaysay dekedda Berbera ee Caalamiga ah, balse waxa la xayiray xilligii uu xannuunka COVID-19, sida weyn ugu faafay aduunka.

 

Marar baddan, waxay ganacsato, siyaasiyiin, qaar ka mid ah qaybaha kale ee Bulshada iyo wakiiladda xafiisyada diyaaradduhu ka dalbadeen Xukuumadda Madaxweyne Biixi in xayiraadda laga qaado shirkaddahaa, iyagoo ku dooday in dhaqaale baddan dalka kasoo geli jiray, isla markaana boqolaal qof oo mawaadiniin ah ay ka shaqayn jireen.

 

Waxaana shalay soo baxay warar sheegaya in xukuumadda Madaxweyne Biixi qorshaynay in xayiyaaradda laga qaado shirkaddahaa ka hor inta aannu Madaxweyne Biixi safar la sheegay inuu ugu baxayo gobolada bariga Somaliland ugu anbabixin.

 

Hase yeeshee war-saxaafadeed kasoo baxay maanta kulan deg-deg ah oo ay yeesheen golaha Wasiirada Somaliland, nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in xukuumaddu sii waday xayiraaddii saarnayd shirkaddahaa.

 

 

“Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkaddo caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay.” Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka Madaxtooyadda Somliland.

 

 

“Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaraddahaasi.”

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in golaha wasiiradu isku raaceen sidan:-

– In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

– In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

– In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.” Ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka Madaxtooyadda Somaliland.