Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in lasii wadayo mashruuca Sanduuqa Dhaqaalaha ee SDF oo mugdi badan Ka dhashay Qaabka loo maamulo mashruucaa oo dhawrkii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay ka socday dalka.

Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu soo daynayaan lacago lagu dhammaystirayo mashaariic hore ugu jiray sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, ka hor inta aan la bilaabin wejiga labaad ee sanduuqa SDF bisha September 2018.

Md. Axmed Xaashi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegey Nairobi, waxa uu ugu horayn faahfaahin ka bixiyey mashaariic qorshuhu ahaa in la dhammaystiro bishan lagu jiro ee sannadkan 2017 oo ah waqtiga uu dhammaanayo wejiga koowaad ee mashruuca SDF.

“Sida aad ka war qabtaan mashruuca SDF wejigiisii hore sannadkan 2017 ayuu dhammaanayey, mashruuca qeybtiisa labaad amma SDF-2, waxa uu bilaabmayey sannadkan soo socda ee 2018-ka. Markaa mashruucan dhammaadkiisa iyo ka dambe bilowgiisa farqi (gap) ayaa ku jiray, waxa laga yaabaa mashruuca dambe inuu bilaabmo September (2018) oo kale.

 

Markaa waxa jira mashaariic aan dhammaanayn bisha December ee sannadkan dhammaadkiisa oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ama biyo-gelinta Hargeysa iyo waxbarashada oo ay ugu jirtay dugsiga hoyga ah ee Dayaxa iyo Wasaaradda Caafimaadka oo ay ugu jirtay laba cusbitaal oo kala ah; ka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo cusbitaalka Laascaanood ee Gobolka Sool. Intaas oo runtii u baahnayd in la kabo bisha koowaad ilaa bisha sagaalaad inta uu ka imanayo mashruuca SDF qeybtiisa labaad.

Nasiib-wanaag, waxa noo ah in aannu ku guuleysannay mashruucaasi inuu sii socdo, inta uu ka dambe bilaabmayo, muddadii ka dhinaydna lacagtiisa loo helo. Sida aad ka warqabteen hore waxa u joojisay qeyb ka mid ah waxa deeqda hakisay DANIDA ama Denmark 2.5 milyan doollar, lacagtaas oo imminka ay sii daayeen in lagu sii wado aannu ku guuleysannay in lagu sii wado mashaariicdaas inta wejiga labaad imanayo,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyaddu.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Waxa kaloo runtii guul noo ahayd mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa oo isaguna gap ayaa ku jiray (wax baa ka dhinaa) xagga lacagta ah oo muddo soo qaatay, dhammeystirkiisuna hadda uu socdo biyo-gelinta magaalada iyo ka soo qaadista Geed-deeble iyo Horo-haadlay oo ay lacagi ka dhinayd ilaa hal miylan ah oo doollar ah, markaa hadda lacagtaas halka milyan ah ($1,000,000) waxa buuxiyey oo ku deeqay waddanka Holland oo ballanqaaday inay buuxiyaan.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa sheegay in shirka ka qabsoomay magaalada Nairobi uu ku dhammaaday si guul ah, waxaannu yidhi; “Sidaa awgeed, shirkaas lagu qabtay Nairobi ee arrimahan lagaga hadlayey waxa uu ku soo dhammaaday guul, dhammaan lacagihii loo baahnaa ee sii wadista mashruuca inta uu ka dambe inamayo iyo lacagtii ka dhinayd Wakaaladda Biyaha Hargeysa, intaba waannu ku guuleysannay. Markaa shirkaasi si fiican ayuu noogu soo af-jarmay, imminka wixii ka dambeeya mashruuca SDF-ta inta uu wejigiisa koowaad sii soconayo ilaa iyo inta uu ka bilaabmayo wejigiisa labaad qiyaastii bisha sagaalaad ee 2018-ka, waxa sii socon doonaa saddexdaas mashruuc ee aan soo sheegay, kadibna waxa si toos ah u bilaabmi doona wejiga labaad ee sanduuqa horumarinra Somaliland (SDF-2.”