wasiirka Arrimaha Debeda Dr Biixi YoonisHargeysa (ANN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inay ururka ay ku bahoobeen dalalka bariga Afrika ee magaciisa la yidhaa IGAD ay ku martiqaadayso inay ka qaybgalaan wadahadallada u socda dawladda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in aanay wax saamayn ah ku lahayn qodobo ka soo baxay shir wasiirrada khaarajiga ee dalalka ku jira IGAD ku yeesheen magaalada Muqdisho Sabtidii toddobaadkan, kuwaas oo qaarkood taabanayeen madaxbannaanida Somaliland, isagoo xusay in xuduudaha Somaliland yihiin kuwo cad oo dunidu wada taqaan, isla markaana waddadama ku bahoobay ururka IGAD ay ku martiqaadi doonaan ka qaybgalka wadahadallada ay ku kala baxayaan Somaliland iyo Soomaaliya.
“Waddamada isugu yimi shirka ee IGAD intaba cilaaqaad fiican baanu la leenahay, iyaguna way ogsoonyihiin oo Somaliland waa waddan xor ah oo madaxbannaanidiisa shacabkiisu goosteen haysta 25 sannadood, shalay (Sabtidii) markii ay ka hadlayeen Muqdisho arrimaha Soomaaliya ayey ku lug lahaayeen oo war-saxaafadeedka ay bixiyeen ahaa madaxbannaanida xuduudaha, waxaannu u haysanaa annaga in aanay waxba naga khusayn, waayo dastuurka Midowga Afrika (AU) marka uu ka hadlayo arrimaha madaxbannaanida xuduudaha waxaannu qabnaa in aanay Somaliland ku jirin, sababta oo ah Somaliland xor bay ahayd oo xuduud cayiman ayey lahayd oo caalamka oo dhami yaqaanno,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiska shalay, waxaannu intaasi ku daray, “Somaliland waa dal xor ah, iminkana waxaannu wadnaa sidii aannu Xamar u kala bixi lahayn, waddamadaasina (IGAD) waa kuwa aannu doonayno in aannu ku soo casuunno inay ka soo qaybgalaan wadahadallada labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya, markaa war-saxaafadeedkaasi IGAD soo saareen waxay khuseeyaan maamul-goboleedyada Soomaaliya xukunto ee xuduudaha ka mid ah, laakiin xuduudaha Somaliland waa kuwo cad oo annagu masuuliyadooda leenahay oo dawladdeeda iyo Madaxweynaheedaba leh.”
Dhinaca kale, Wasiir Biixi waxa uu war waxba kama jiraan ah ku tilmaamay hadal masuul ka tirsan maamulka Muqdisho ugu digay shirkad Chine ah oo macdan ka qodaysa buuraha Gobolka Awdal, waxaannu xusay in arrintaasi ka horimanayso heshiiskii dhawaan labada dal ku kala saxeexdeen Jabuuti.
“Arrinta macdanta, heshiiskii 6-da qodob ee uu makhraatiga ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee ay kala saxeexdeen Madaxweyneheenna iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo aannu muhiim u arkaynay waxa ka mid ahaa inaan la carqaladayn oo aan la dhexgalin arrimaha ku saabsan horumarka iyo dhaqaalaha.
Warkaasi wax ka jiraa ma jiro, cid maanta ka joojin karta Somaliland inay dhaqaalaheeda, horumarkeeda iyo macdanteeda la soo baxdaana ma jirto, cid ku soo duulaysaana ma jirto macdanteedana way wadanaysaa,” ayuu yidhi Md. Biixi.
Waxa kaloo uu xaqiijiyey in wadahadalka sii socon doonaan, balse aanay marnaba aanay Somaliland aqbali doonin inay xukunka dalkeeda iyo soo-saarista khayraadkeeda cidi kala taliso.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com