Araweelo News Network

calibuureedHargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Jaamac Buureed, ayaa sheegay in lagu hawlan yahay sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka Kalluunka dalka iyo kor u qaadka dhoofintiisa dibadda.
Wasiir Cali Buureed oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay, waxa uu ka warramay heerka isticmaalka Kalluunka ee Somaliland iyo suuq-gayntiisa dibadda oo uu xusay inay jiraan dadaalo lagu xoojinayo.
Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Isticmaalka Kalluunku hadda aad buu u soo badanayaa, xilliganina waa waqtigii uu bilaabi jiray soo-saarkiisu, inkastoo wax badani ka dhiman yihiin kalluumaysatada oo qalab, awood iyo tababarkiiba ka dhiman yihiin, haddana aad buu uga soo baxaa waddankeena oo suuqyadeena wuu camiranyahay Kalluunka isagoo weliba qiimihiisu intii hore ka jabanyahay, sannadkana waxaannu rajaynaynaa in meelo badan loo dhoofin doono Insha Allah, waxa jira mashaariic meelaha qaar ka socda.”
“Kalluunka waa la geeyaa Itoobiya, inkastoo sidii aynu rabnay oo siday Qaadka inoogu keenaan aynu ugu gayno Kalluunka, laakiin weli soo saaristeena ayaa yar oo waddankeenaba meelo badan aannu aad u tagin ayaa jira, balse suuqyada waddamada jaarku way inoo furan yihiin inkastoo weli sharciyadoodu innagu adag yihiin qaarkood oo liisan lagu xidho, dadka samaystay liisanku way geeyaan, annaguse waxaannu rabnay in sida hab gaadhi Qaad sidaa iskaga soo galo in gaadhi Kalluun sidaana u tago oo aanay wax shuruud ah ku xidhin, arrintaa wadahadalkeeduna wuu jiraa oo dawladdu way la wadaa dawladooda (Itoobiya), iminkana waddamo kaleba waa la geeyaa oo Jabuuti iyo Carabaha iyo meelo kaleba waa la geeyaa Kalluunka oo ganacsatadeena ayaa dhoofisa, laakiin ujeeddadeenu waa in kor loo sii qaado,” ayuu yidhi Md. Buureed.
Waxa kaloo Wasiirku farriin baaq u diray ganacsatada dalka iyo dhallinyarada ka soo baxaya jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee ku hawlan tahriib dibadeed, “Kalluumaysatada waxaan u soo jeedinayaa inay la soo baxaan Kalluunka, waxa dad badan oo markii hore shirkado ganacsi Kalluunka galay oo hadda dib u soo gaabiyey, in ay dhaqaalahooda galiyaan waxaannu hubnaa in ay dhaqaale ka soo saari doonaan oo ay faa’iido badana ka heli doonaan, shaqo la’aantuna ku bixi doonto.”
“Waxa kaloo aan ugu baaqayaa dhallinyarada ka soo baxda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee ku waalatay tahriibka in aannu hayno fursadihii ay ku maalgashan lahaayeen Kalluumaysiga iyo sidii ay u heli lahaayeen qalab iyo tababarba iyo sidii ay badda uga shaqaysan lahaayeen, markaa waxaannu leenahay maanta khayraadka aynu haysannaa waa badda, waxaad ogtihiin xoolihii waxa mar walba abaar baa jirta, beerihii sidaas oo kale, waxaas oo dhan waxa lagaga bixi karaa oo innagu filan oo isagu aan marnaba abaar iyo dhibaato la kulmin waxa weeye Kalluunka,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed.