Araweelo News Network

“Maanta gobolkeena waxa ka jira duruufo amni iyo kuwo siyaasadeed waxaanu doonaynaa in aynu nabadda ka wada shaqayno” La Taliyaha Arrimaha Bulshadda ee Madaxweynaha Somaliland

Laascaanood (ANN)- Masuuliyiinta waftiga xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Laascaanood ayaa kulamo gaar gaar ah al yeeshay waayeelka, waxgaradka iyo dhalinyarada magaaladas Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kulamadaasi oo lagaga arrinsanayay xoojinta ammaanka iyo is-dhexgalka bulshada.
Xubnaha weftigan oo kala ah Taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir, guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), agaasimaha guud ee hay’adda qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadl (Jabarti Saadle), agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, iyo Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Cilmi Jiidho oo ah sarkaal ka tirsan xarunta madaxtooyada, ayaa maalmihii u dambeeyay dedaal ugu jiray sidii bulshada gobolka Sool iyo xukuumaddu isaga kaashan lahaayeen ammaanka iyo horumarka.


Masuuliyiintan ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay kormeer hawleed ku soo mareen qaybo ka mid ah jidadka magaalada Laascaanood ee laamiga ah oo lagu sameeyay dayactir ballaadhan iyo dib u dhis, kormeerkaasi oo uu ku wehelinayay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee magaalada Laascaanood.
Masuuliyiinta xukuumadda ee uu hogaaminayo la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha bulshada ayaa kullan ballaadhan shalay la qaatay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sool, kulankaasi oo ka qabsoomay hoteelka cashuura ee magaalada Laascaanood, waxaana lagu lafo-guray amaanka gobolka iyo sidii loo dhiiri gelin lahaa horumarka ka ka socda deegaanka.


La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha bulshada mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdilqaadir oo shirkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay cuqaasha iyo waxgaradka ka soo qaby galay shirka, waxaanu yidhi “Marka hore waxaan aad ugu mahad naqyaa cuqaasha iyo waxgaradka madashan ka soo qaby gashay. Maanta duruufo badan ayaa ka jira gobolkeena oo amni, waxaanu doonaynaa in aanu xogogaal u noqono duruufaha amni, siyaasadeed iyo kuwa bulshaba, intii aanu joognay waxaanu yeelanay shirar badan oo kala duawan oo qaybaha bulshada ah, sida haweenka, dhalinyarada, ururada bulshada iyo dhamaan qaybaha bulshada. Waxaanu doonaynaa in aynu nabadda deegaanka ka wada shaqayno, nabaduna qof kasta waa u dan.”
Gudoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortaga afooyinka iyo keydka raashinka qaranka Somaliland mudane Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), ayaa isaguna shirkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “waxa la yidhi cadceeda sacab laguma qarin karo, waxaynu halkan isugu nimi waynu wada garanaynaa iyo dhibaatada deegaankeena ka taagan, socdaalkayaga iyo muhiimaddayadu wuxuu daaran yahay Laascaanood iyo buuqyadii ka taagnaa iyo sidii wax looga qaban lahaa.”
Dhinaca kale masuuliyiintani waxa kale oo ay la kulmeen dhalinyarada aqoonyahanka ah ee magaalada Laascaanood, waxaan shirkaasi ay labada dhinac ku lafo-gureen sidii loo adkayn lahaa nabadgelyada gobolka iyo ka magaalada Laascaanood isla markaana meel looga soo wada jeesan lahaa midnimada bulshada iyo horumarka gobolka.
Gudoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortaga afooyinka iyo keydka raashinka qaranka Somaliland mudane Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte) oo ugu horeyn isagu halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankani waxaanu yidhi “Bulshada reer Laascaanood khaasatan dhalinyarada nimanyahaw magaaladeena iyo gobolka Soolba duruufaha ka jira waynu og nahay, duruufaha ku xeeran ee kicinta leh ee abaabulka leh, ee barakaca leh, ee mudaharaadada leh waynu og nahay, intaasi oo dhan waxaa ay sababayaan oo ay keenayaan dhimasho dhaawac iyo dhaqaale la’aan iyo burbur yimaada ayay sababayaan dhibaato kasta oo dhacda iyo burburkasta oo yimaada hishiisbaa ka danbeeya”
Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) oo ah sarkaal ka tirsan aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Ujeedada aan halkan isugu kiin yeedhnay waxaa uu ahaa nabadgeliyada iyo horumarinta gobolka inaanu dardaaran badan ka galo, oo aynu wax badan ka qabano, dhalinyarada tirade badan ee deegaanka Laascaanood ee halkan nagula sugan waxaanu idin leenahay dhalinyarooy gacmaha is qabsada oo nabadgeliyada ilaashada.”
Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Kheyre Dirir oo isna kulankaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa dhalinyarada ugu bushaareeyay inay qaadanayaan wixii talo iyo waano ah ee ay u jeediyaan waxaanu yidhi “Shan sano ka hor waad ogeydeen Laascaanood halka ay taagneyd iyo maanta meesha ay mareyso intaasi oo horumarihi waxa ay ku timid waa nabadgeliyo waxaa ay ku timid talo iyo tusaale umada reer Laascaanood ay laheyd waxaan leeyahay walaalayaal nabada aynu ka wada shaqeyno, magaalada iyo deeganka inaga ayaa iska leh waxaan idinkula dardaarmayaa waar nabadgeliyo ayaynu heysanaa nabadgeliyada adkeeya horaanta siyaasiga ah iyo xilalka maalinba ninbaa haya taasina macno badan sameyn meyso hase ahaate waxaa macno badan sameynaya qofku inuu horumar ka sameeyo dhanka nabadgeliyada una tudho dalkiisa iyo dadkiisaba iyo deegaankiisa anaguna waxaanu u taaganahay inaanu qaado taladiina iyo wixii wanaaga ee aad noo soo jeedisaan kana shaqeyno horumarkiina iyo nabad ku noolaanshiyihiina”
La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha bulshada mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdilqaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku adkeeyay inay ilaashadan nabadgeliyada qaranka Somaliland ku caano maalay waxaanu yidhi “Intii xukuumaddani ay joogtay ee ay ku sugnayd gobolkani wax badan oo horumar ayaa dhacay wax badan oo nalagu dhaliilayaana waa ay jiraan oo aanu rabno inaanu qaadano, hase ahaate waxaaso dhan waxaa ka mihiimsan inaynu wada hadalo oo hareeraha laga joogo wax kasta oo inoo dhaxeeya oo nabadu inoogu mihiimsan tahay waxaanan soo jeedinayaa nabada aynu maanta ku caano maalay ma aqbali karo cid inagaga ciyaareysa iyo cidkasta oo duulaan ku ah iyo cidkasta oo dooneysa inay inaga fadqalaleyso horumarka aynu gaadhney”
“Waxaynu maqleynaa odhaahyo aan wanaagsaneyn oo ah waala qaxayaa waxaasina inaga waa wax dhabar jab inagu ah, hadii aynu nahay dhalinayaradii gobolka, gobolkana tabashooyin fara badan ayay soo mareen, wax badan oo dhibaato ah ayuu ka soo kabtay cida la doonayo inay horumariso oo wax wal oo xumaana oo dhabar amase dib u dhac inagu ah cidii la doonayo inay ka gilgilato waa dayarta aqoon yahanka ee gobolka”Ayuu yidhi mid ka mida dhalinyaradda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.