Araweelo News Network

Muuqaalka shirka golaha wasiiradda Somaliland oo Madaxweynuhu gudoominayo

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii tobnaad (10aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26.04.2018, ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

 

Shirkan, ayaa si faahfaahsan loogaga dooday arrimo ku saabsan dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta bulshada iyo caqabadaha soo kordhay, waxaana wax la iska weydiiyey sidii wada-jir loogaga bixi lahaa dhammaanba culaysyada  kala duwan ee bulshada haysta.

Dood iyo falanqayn dheer kadib,  kal-gadhiga golaha wasiirrada, waxa kasoo baxay qoddobo door ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay, kaas oo khasaare gaadhsiiyey gaadiid tiro badan, isla markaana ay xukuumaddu u yeelan lahayd shaybaadh casri ah oo lagu hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, waxaana qodobadda soo baxay ay u dhignaayeen sidan:

  1. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shirkadihii keenay shidaalkii wasakhaysnaa ee dhibaatada soo gaadhsiiyey qaar kamid ah gaadiidka dalka.
  2. In Hay’adda Dhawrista tayada Somaliland ay la wareegto awoodda  shaybaadhka hubinta shidaalka ee yaalla xarunta keydka shidaalka, si loo sugo  tayada shidaalka dalka soo gelaya.
  3. In xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland keento lab (Shaybaadh) ay is u leedahay xukuumaddu laguna hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, isla markaana kor loogu qaado awoodda hay’adda dhawrista tayada ee dalka.
  4. In wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiisku yeelato awoodda ugu dambaysa ee  shidaalka dalka gudihiisa lagu isticmaalayo.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xubnaha golaha wasiirrada uga mahadnaqay doorkii muuqday ee ay ku lahaayeen horumarkii ay xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii 120-ka maalmood ahayd ee ay talada hayay.

https://youtu.be/-y7-mVtH2YQ

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.