Maareeyaha Haamaha berbera

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ugu baaqday Kaalmaha ka ganacsada Shidaalka inay qiimaha ka dhimaan dadka oo ay u naxariistaan. Sidaana waxa sheegay Maareeyaha Haammaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
Sheekh Saleebaan, wuxuu amaanay shirkaddaha keena dalka Shidaalka oo uu tiradooda ku dheegay Shan Shirkadood, kuwaas oo sida uu sheegay ay ku amaanayaan tayadda shidaalka ay keenaan, balse waxa uu sheegay in Kaalmaha Shidaalka Iibiyaa dadka kaga iibiyaan qiime aad u sareeya oo aan la haysan suuqa iyo sixirka Caalamka.
“Suuqa Caalamiga ah ee shidaalku aad ayuu u jabay oo hoos ugu dhacay sixirkiisu, Somaliland-na waxa shidaalka keena Shan Shirkadood, wayna jebiyeen Qiimaha, iyagoo ku mahadsan. Laakiin waxaan weli waxba beddelin oo halkoodii taagan Kaalmaha Shidaalka Somaliland oo aanu eegaynay, waxaanuna eegaynay in ay wax beddelaan, waana in aanay dadkooda ku tacadiyin, sababtoo ah marka Suuqa wax ku kordhaan Bulshadu way dareentaa. Laakiin marka wax ka dhinmaana waa inay dareemaan. Sidaa awgeed dadka Kaalmaha leh waxaan ugu baaqaynaa inay jebiyaan shidaalka” Ayuu yidhi Maareeyaha Haammmaha Shidaalka Berbera.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka digtoonaadaan qishka Qiimaha ee ay ku xisir goostaan oo uu sheegay in Diinta Islaamkuba xaarantimaysay, isla markaana waxa uu ka digay Shidaalka Xabagta leh oo sida uu xusay xiliyadan oo kale ee qaboobaha dalka soo gala oo laga keeno dhinaca Boosaaso, kaas oo uu sheegay in ay dhowaan marka ay keenaan qalabkii lagu baadhi lahaa Tayadda shidaalka ay Kaalmaha qiimaynayaan, isla markaana Kaalmaha la oggaado in nay iibinayan shidaal xun Bulshada loo bandhigi doono oo ay waayi doonaan macaamiishooda marka la baadho ee la xaqiijiyo inay iibinayaan shidaal xun.
Sheekh Saleebaan, wuxuu sheegay in hadda wixii ka danbeeya marka uu soo gaadho qlabka ay sugayaan wax baddan is beddeli doonaan oo ay shacbigu ku diirsann doonaan, taas oo uu sheegay inay dhowaan fulinayaan.
Qiimaha Shidaalka Somaliland, ayaa dhowaan samada isku shareeray, wuxuuna saamayn ku yeeshay nolosha Bulshada, kadib markii ay qiimaha lagu iibiyo Litirkii ku kordhiyeen lacag baddan, balse qiimahaa ayaan waxba weli iska beddelin, iyadoo qiimaha shidaalka uu Somaliland mar walba yahay mid aan ku xidhnayn suuqyada shidaalka ee Caalamka, taas oo si weyn ay uga qayliyaan Bulshadu, isla markaana marar baddan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu dhaliilay, balse dhawaaqa waqtigan ee Maareeyaha Haammaha Shidaalka Bebera, ayaa noqonaya mid shacbigu u riyaaqi donaan, kaas oo aan la oggayn inay fulin doonaan Kaalmaha Shidaalku iyo in kale.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com