calixorxoriyoxirsiDubai(ANN)Wefdi ka socda xukuumadda Somaliland, ayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta wadahadal kula yeelanaya shirkad lagu magcaabo Dubai World oo xiisaynaysa inay maalgashi casri ah ku samayso marsada ugu dekeddaha Somaliland ee Berbera.

Xubnaha wefdiga oo ka kooban Saddex wasiir oo ka socda xukuumadda Somaliland iyo Maareeyaha Dekedda Berbera, ayaa kala ah Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ganacsiga Muuse Qaasim Cumar oo uu wehelinayo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa gaadhay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta xalay, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan shirkadda Dubai World oo danaynaysa inay maalgashi ku samayso dekedda Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu internet-ka ku leeyahay xalay, waxa uu sheegay inay wadahadalkaas ka rajaynayaan inuu ku dhammaado guul, wuxuuna isagoo ku sharaxaya ahmiyada ay arrintani u leedahay dalka yidhi, “Waxaan rajaynayaa in wadahadalkaasi noogu soo dhammaado is-afgarad iyo is-faham, sidoo kalena noqdo mid albaabka u fura maalgashi caalami ah oo dalkeenna lagu sameeyo.

Waxa hubaal ah in guud ahaan dalkeennu u baahan yahay in uu xidhiidh furfuran la yeesho dalalka jaarka iyo caalamkaba si loo helo maalgashiyo waaweeyn “Macro investment” oo wax badan ka tari kara dhinacyada shaqo-abuurka iyo guud ahaanba horumarka dhinacyadiisa kala duwan. Shacabka Somaliland ee jecel horumarka iyo horusocodka waxaan ugu bushaaraynayaa in tallaabadani bilow u noqon karto Somaliland cusub oo caalamka la socota.”

Shirkadda Dubai World ee weftiga Somaliland wadahadalka kula yeelanayaan Dubai, waxa guddoomiye ka ah Sheekh Ahmed Bin Saeed Al Maktoum, iyadoo shirkaddaasi sidoo kale maamusha, xidhiidhna la leh shirkad kale oo la yidhaa DP World oo ka mid ah kuwa Imaaraadka Carabta ee dannaynaya maalgashiga dekedda Berbera.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad-sannadeedkii uu baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) ka jeediyey 28 March 2015, waxa uu kaga hadlay maalgashiga dekedda Berbera iyo shirkadaha ilaa hadda doonaya inay maalgashadaan, waxaannu yidhi; “Muddo waxaannu dedaal ugu jirnay sidii loo heli lahaa maalgashi ku habboon dekadaha iyo meelaha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka, taasoo ay ugu mudan tahay Dekedda Berbera. Waxaan doonaynaa in Dekedda Berbera noqoto mid ballaadhan oo u adeegi karta bulshada Somaliland iyo dalalka jaarka ah, waxaanay u baahan tahay dhaqaale iyo aqoon lagu horumariyo si ay ula tartami karto dekedaha mandaqadda. Haddii aan loo samayn adeeg casriya iyo farsamo la jaan-qaadi karta waqtigan, waxay ku keenaysaa dib-u-dhac. Annagoo ka duulayna arrimahaas aan soo sheegay, waxaannu xidhiidho la samaynnay shirkado badan oo kala duwan oo ka mid yihiin:

1- Bolloré oo ah shirkad Fransiiska laga leeyahay.
2- DP World oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta (UAE).
3- Prime Africa oo Sucuudiga laga leeyahay.
4 – Kuwait Logistics oo laga leeyahay Kuwait.
Haddaba, si aan isaga hubinno, una helno talada ugu wanaagsan ee waafiqi karta danaheenna iyo baahiyaheenna, waxaan u raadsanay cid talo naga siisa oo khabiiro ku ah sida World Bank oo runtii daraasad qiimo badan noo sameeyey, talooyin wax-ku-ool ahna naga siiyay. Haddana kumaannu kaaftoomin intaasi ee waxaannu weli wadnaa khabiiro iyo shirkado ku xeel-dheer farsamadan oo innaga caawiya waxyaabaha aynnu u baahannahay marka aynun gelayno heshiis noocan oo kale ah.

Ma jirto haba yaratee cid aannu heshiis la galay waqtigan, mana jirto cid nooga lexejeclo badan dalkan, annaga oo ah masuuliyiintii qaranka loo doortay ee loo dhaariyey.

Haddii uu hirgalo maalgashigaasi, waxaan ku rajo weynahay inuu kor u qaadayo meeqaamka marsadeenna, waxaanay keenaysaa shaqo-abuur iyo xirfado cusub. Ma jiraan wax inoo kordha mooyee wax innaga dhacaya. Dedaallada maalgashi iyo ganacsi ee ananu dalka ku horumarinayno, waa in aan la carqaladayn ee la dhiirrigeliyaa si dhaqaaleheennu u kobco,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi khubad-sannadeedkii labada gole.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.