Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa warbixin kooban kasoo saartay roobaabkii dabaylaha watay ee ka da’ay maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo sababay Khasaare dhimasho Iyo dhaawac dad Iyo xoolaba.

Warbixinta Xukuumadda Somaliland kasoo saartay khasaaraha at sababeen roobabka oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornayd sidan:-

“Sida aynu la wada socono waxa saddexdii maalmood ee u danbeeyey xeebaha Somaliland ka da’ayey roobab dabaylo wata oo isu bedelay duufaanno gaar ahaan gobolada Sanaag, Saaxil, Selel, Awdal iyo deegaamo ka mida waqooyiga Gabiley kuwaas oo ay gaadhsiiyeen khasaare laxaadleh oo isugu jira dhimashada iyo dhaawaca dadkii ku sugnaa deegaamadaasi, xoolihii oo ku leeday, dhismayaal tiro badan oo dumay, gaadiid isugu jira kuwa badda & berigaba iyo barakac balaadhan oo ka dhashay duufaantaas.

Khasaarahaas oo sababay dhimashada, 25 qof, iyo 27 ruux oo la la’a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka 12 ruux ay dhaawac yihiin, halka ay saameeysay (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una dhiganta 167,250 qoys oo ku sugnaa goobahaa duufaantu martay, waxa iyaguna baxay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, iyadoo ay go’an yihiin isgaadhsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku isaga gudbi jireen ee goobaha masiibadu ku dhufatay, waxa iyaguna inta badan dumay goobihii caafimaadka ee MCH-yada iyo dugsiyadii waxbarashada ee ka qayb qaadan lahaa samata-bixinta dadka ay soo gaadhay duufaantu.

Iyadoo Xukuumadda Somaliland ay tan iyo intii masiibadu dhacday ku jirtay gurmadka iyo gargaarka loo fidinayey dadka masiibadu soo gaadhay, lagana daad gureeyey dadkii ku go’doonsanaa goobahaasi, isla markaana la hawl-geliyey cidkasta oo ay arrintani khusayso sida wasaaradda arrimaha gudaha, hay’adda u diyaar garowga aafooyinka & kaydka raashinka qaranka, hay’adda qaxoontiga & barakacayaasha iyo hay’addaha kale ee ay khusayso oo dhammaantood ku hawlan sidii gargaarkaasi loo sii wadi lahaa.

Sidoo kale waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 21.05.2018, kormeer dhinaca hawada ah ku maraya goobahaasi masiibadu ka dhacday wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo ka mida dawlada aynu jaarka nahay ee Jabuuti, iyagoo u kuurgelaya khasaaraha ka dhacay goobahaasi, madaama oo labada dal ay wadagaan xadka dhinaca xeebaha iyo berigaba, ayna wada haleeshay masiibadan duufaantu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa dhamaan ehelada, qaraabada, qoyska iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday masiibadaasi, inta dhaawaca ahna waxa uu Alle uga baryayaa inuu caafimaad taama siiyo, sidoo kalena inta dhibaataysan uu ka dulqaado dhibta.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu dhammaan shacbiga Somaliland meel ay joogaanba ku baraarujinayaa inay gargaar iyo gurmad deg-dega ka geystaan masiibadaasi, gaar ahaan ganacsatada dalka. sidoo kale madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ahba ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan gurmadka masiibadaasi sababtay.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.