Araweelo News Network

Axmed Ciise Cawad

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Soomaaliya’ ayaa u gudbiyay Ururka Jaamacadda Carabta oo ah mid magac ahaan oo keliya u Jira  balse aan lahayn awood badan cabasho ay kaga walaacsan tahay Heshiiska maalgashiga Dekedda Istiraatiijiga ah ee Berbera oo ay wada galeen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Shirkadda caalamiga ah ee DP World.

 

Heshiiskaa oo ah mid soo jiitay indhaha dunida, Isla markaana warbaahinta caalamku mudooyinkii u danbeeyay qadaa dhigaysay, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Ethiopia Iyo shirkadda laga leeyahay ee Imaaraadka ee DP World wada Saxeexeen Heshiiska lagu wadaagayo maalgashiga mashruucaa.

 

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo maanta khadka taleefoonka ugu warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Bashir Maxamed Caato, ayaa xaqiijiyay in ay dacwad cabasho ah oo la xidhiidha Heshiiskaa u gudbiyeen Ururka Jaamacadda Carabta.

“dowladda Soomaaliya waxaa ay ashtako ka dhan ah heshiiskaasi ay u gudbisay ururka jaamacadda carabta oo kullan ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.