Warbixin: By Carraale M. Jaamac: Freelance Journalist And Human Rights Activist Based In Somaliland– Araweelonews.com.


Muqdisho(ANN)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ku ganacsaydhay taageerada Jaamacadda Carabtu kaga dalbatay inay ku garab istaagaan Dawladda Masar, marka laga hadlayo muranka Biyaha Webiga Niilka ee ay isku maandhaasan yihiin Dawladda Federaalka Ethiopia iyo Masar oo murankoodu marayo meel xaasaasi ah.


Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka Ethiopia iyo Masar ee Biyaha Niilka, kaas oo ka dhashay Biyo-Xidheenka weyn ee Ethiopia, (The Grand Ethiopian Renaissance Dam). ay mudada sannadaha ah soo waday.

Sida ay baahisay Wakalaadda Wararka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SONNA) oo soo xiganay wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay arrinta muranka u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar ee Biyo-xidheenka (The Grand Ethiopian Renaissance Dam).

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa dhowaan war-mutiyeed ay kasoo saareen Qaahira ugu baaqay Dalalka ku jira Jaamacadda Carabta inay taageeraan dawladda Masar, balse dawladda Suudaan oo ka mid ah dalalka uu maro webiga Niilku ayaa iyadu markiiba ku ganacsaydhay baaqa jaamacadda Carabta.


Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay ergada Soomaaliya u joogta Xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira oo daba socday kulankaa oo horraantii March 2020, ay Wasiirada dalalka Jaamacadda Carubtu Qaahira ku yeesheen, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku baaqayso in labada dal ee Ethiopia iyo Masar ay wada-hadal ku xaliyaan khilaafkooda, waxaana war-saxaafadeedkaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door ka ciyaarto sidii la isugu soo dhawayn lahaa labada dhinac.

AKHRI: Ethiopia Oo U Yeedhay Siddeed Safiir Oo Ay Ku Jiraan Masar Iyo Suudaan Kadib Muranka Biyo-xidheenku Sii Xooggaystay

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in mawquf ahaan dowladda Soomaaliya ay ku khasbantahay in ay ka gaabsato taageerada qabyo qoraalka Qaraarka dalalka Jaamacadda Carabta, iyadoo dhanka kale lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay qirsantahay xaqa ay dowladda Masar u leedahay ilaalinta ammaanka biyaheeda.


Dhinaca arrinta labada dal ayaa sii xoogaysatay, bilawgii March 2020, kadib markii uu dhicisoobay heshiis maraykanku hormood u ahaa oo xal loogu radinayay isticmaalka BIyaha Nilka, iyadoo muranka u weyni u dhexeeyo dalalka Masar iyo Ethiopia. sida lagu shaaciyay shebekadda wararka ee Araweelo News Networ, 6 March 2020, warbixin arrinta muranka Biyaha la xidhiidha.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, xiisadda ka taagnayd Biyaha Niilka ee u dhaxaysa dalalka Masar iyo Ethiopia, ayaa sii korodhay, ka dib markii Addis Ababa ay ka baxday wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada Maraykanku daadihinayay, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka dhinacyada, waxayna ballanqaadeen inay bilaabi doonaan buuxinta mashruuca biyo-xidheenka (Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) badhtamaha sannadkan 2020, ka hor inta aan la gaadhin heshiis kama dambeysta ah ee dalalka Masar iyo Suudaan.

Dowlada Sudan ayaa muujisay sida ay uga xuntahay ee ugu aragto “carqalad” ka dib qaraar qabyo ah oo ay Masar u soo jeedisay Jaamacadda Carabta si ay u taageerto Masar iyo Suudaan, qaraarkaa oo ku saabsan muranka biyo xidheenka weyn ee ay Ethiopia ka dhiseyso Webiga Blue Nile, (The Grand Ethiopian Renaissance Dam). sida ay ku warrantay Ahram Online oo soo xigganay wakaaladda wararka Masar.

Kooxda Suudaan ayaa horre loo sii ogeysiiyay qaraarka qabyada ah ee loo gudbiyay Jaamacadda Carabta, oo loogu talagalay in lagu muujiyo “taageerada Carabtu u leedahay xuquuqda biyaha Masar iyo Suudaan,” ilo wareedyo ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee MENA. horaantii March, sida ay warbixin arrintaa la xidhiidha ku baahisay shebekadda wararka ee Araweelo News Network.