Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa, ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatay horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah. Si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa, amma dhiiragelineysa. Dhawaan waxaa baarlamaanka horgayn doonnaa Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, horumarinta iyo tayeynta hay’addaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuq-maasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

–DHAMMAAD—-