Jamal Cali Xuseen
Hargeysa (ANN)Musharraxa jagada madaxweynaha xisbiga mucaaradka ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ogyihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda KULMIYE oo guryo iyo hanti ka samaystay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Mr. Jamaal oo saxaafadda ugu warramay magaalada Hargeysa , waxa uu xusay in madaxtooyada Somaliland iyo Soomaaliya leeyihiin xidhiidho hoose oo aan laga war-qabin.
“Wax badan baannu ognahay xisbi ahaan. Waxaannu ognahay inay Madaxtooyadeenna iyo ta Muqdisho isku duloolaan oo xidhiidho hoose oo aan la ogayn leeyihiin oo xataa xubno ka mid ah xukuumadda talada haysaa hanti badan iyo guryo ka samaysteen magaalada Muqdisho, haddii ay muran ka keenaanan waannu soo bandhi doonnaa,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu ku hanjabay in aanay xisbi ahaan ka hadhi doonin hantida ummadda ee uu xusay in wasiirrada iyo masuuliyiinta xukuumaddu lunsadaan, waxaannu yidhi; “Waannu arkaynaa boobka hantida ummadda lagu hayo oo waxa hanta-lunsi dalka ka dhacaysa waa la wada ogyahay, laakiin ha ogaadaan wasiirradu inaan lagaga hadhayn oo ay gacanta dawladda ku soo noqon doonto wixii sharci-darro lagu qaato, iyadoo aynnu ognahay inuu madaxwaynaha laftigiisii uu wasiirrada qaar leeyahay guryahaa ha la siiyo oo ha laga saaro diwaankii dawladda. Run ahaantii xukuumaddani waa xukuumaddii ugu musuqmaasuqa badnayd ee Somaliland soo marta, wax alla wax ay dhaafaysaana ma jirto, laakiin ragga boobka ku haya dadkaa saboolka ah, annaguna kaga hadhi mayno, Ilaahayna wuu arkayaa oo aakhiro iyo adduunkaba wax ay u kordhinayso xaaraantaasi ma jirto, isla markaana wixii sifo sharciga waafaqsan loo bixiyey ee madaxwaynuhu u bixiyey sharciga ayaa loo eegi oo wixii sharcigu oggolyahay waa lagu khasban yahay.”
Murrashaxa madaxweynaha UCID, waxa kaloo uu ku eedeeyey xukuumadda inay ku hawlan tahay qancinta dawladda Soomaaliya, isagoo wadahadalka lagula jiro Soomaaliya ku tilmaamay madhalays aan wax faa’iido ah u lahayn Somaliland.
“Run ahaantii waa markii u horreysay ee aan u baqo Somaliland, isla markaana shaki iga galay habka ay xukuumadda KULMIYE u waddo, waxaanay ina tustay xukuumadda Siilaanyo in aanay wax ictiraaf ah u raadin Somaliland, waxaanay noqotay isku-daygeeduba inay ka shaqayso sidii ay u qancin lahayd maamulka Muqdisho oo ula wadi lahayd wadahadallo madhalays ah, arrintaasna shacbiga Somaliland iyo mucaarid ahaanba shaki weyn ayey nagu abuurtay. Waxyaabaha shakiga ugu badan abuuray waxa ka mid ah waxaad arkaysaa madaxwaynihii Soomaaliya oo sheegaya inay Somaliland ku qancinayaan midnimadii Soomaali-wayn iyo madaxweynaheennii oo aan jawaab ka bixinayn oo aan ka hadlayn muqaddasnimada Somaliland ee lama taabtaanka ah,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa hore ugu eedeeyey Jamaal Cali Xuseen inuu muddo shan sanno ah murrashaxnimo waqtigii kaga lumay.
Murrashaxa UCID oo arrintaas ka jawaabay, ayaa yidhi; “Horta shan sanno iyagaan talada dalka hayn oo anigu iyagoo laba sannadood iyo dheeraad xukunka haya ayaan murrashaxnimadayda ku dhawaaqay oo taasi waa mid oo xisaabta ayuun baa isaga khaldantay, wax mushkilad ahna maaha, waana runtii Dhuxul oo murrashaxnimadu waa wax kooban, laakiin hadalkiisaas waxaan u arkaa uun duur-xul uu u sarbeebayo madaxwaynaha uu afhayeenka u yahay oo ula jeeday, sababta oo ah Axmed-siilaanyo isagoo 2003-dii dhacay ayuu haddana 9 sannadood oo dambe murrashax ahaa, immikana doonayaa inuu 5 sanno oo dambe waliba uu murrashax yahay, markaa waxaan odhan karaa Dhuxul wuxuu u jeedada Madaxwayne Siilaanyo oo dhawr iyo toban sanno murrashax ahaa.”
Dhinaca kale, Mr. Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka hadlay go’aanka warshadda laydhka Hargeysa loogu wareejiyey shirkado ganacsi oo madaxbannaan, waxaanu yidhi; “Horta adduunka way ka dhacdaa in hanti ummaddu leedahay laga dhigo mid gaar loo leeyahay, laakiin jid loo maro oo sharci ah ayey leedahay oo dadka ayaa loo soo bandhigaa qandaraaska oo markaa cidda lacagta ugu badan bixinaysa ayey dawladdu hantidaas ku wareejisaa. Hase ahaatee, waxaan adduunka ka dhicin in si qarsoodi ah inta meel madow la galo la yidhaa hebel intaas siiya, hebalna intaas kale siiya, shacbigana la yidhaahdo hebel baa la wareegay iyagoon ogayn inta lacag ee laga siiyey iyo halka ay martay lacagtaasi midna, run ahaantiina taasi waxay noqonaysaa musuqmaasuq iyo sharci-darro, anigoon u jeedin ganacsatada laga iibiyey ee muwaaddiniinta ah oo aan ixtiraam iyo qadarinba u hayo, isla markaana aan aamisanahay in dalka wax badan ku soo kordhiyeen, balse waxaan leenahay uun sharciyadda ha loo maro hantida ummadda ee la iibinayo.”
“Midda kale marka ay rag waawayn oo masuuliyiin ah warbaahinta la soo fadhiisanayaan waa la dhimayaa kharashkii laydhka, waxaanu ummadda u sheegaynaa inay iska leeyihiin oo inay sii kordhiyaan mooyaane aanay hoos u dhigayn, adduunkana waxa laga eegaa bulshada horumartay waxa kow ka ah korontada oo dalka tamartiisu jaban tahay wuu ka horumar badan yahay ka laydhkiisu qaaliga yahay oo adduunyada waddamada ugu korontada jaban waxa ka mid ah Maraykanka iyo Ethiopia oo dadkooda siiyey koronto aad u jaban.”
Waxa kaloo uu ku dooday haddii uu madaxweyne yahay inuu xilka ka qaadi lahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, isagoo arrintaas ka hadlayna waxa uu yidhi; “Run ahaantii xukuumadda ku fashilantay inay qabato ciyaarihii gobollada ee dhalinyaradii Gobolka Togdheer ee walaalaha ahaa kala jeclaysatay ee qabyaalad dhex-dhigtay ma garanayo wax lagu aamini lahaa. Haddii aan anigu joogo halka Siilaanyo (madaxweynaha Somaliland) joogo waan eryi lahaa oo xukuumadayda kamuu mid ahaadeen wasiirka ciyaaraha ee ku guuldarraystay inuu qabto ciyaarihii gobolada ee ummadda la isugu soo dhawaynayey ee kabtannimadii xataa qabyaaladda galiyey.”ayuu yidhi Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com