Araweelo News Network

Golaha xuutiyiinta iyo Cali Cabdalle

Golaha xuutiyiinta iyo Cali Cabdalle

Sanca(ANN)Mucaaradka Shiicada Xuutiyiinta ee Yemen iyo taageerayaashooda ayaa sheegay inay sameeyeen gole xukuma Dalka Yemen, kaasoo ay sheegeen lagama maarmaan ay bnoqotay inay tallaabadaa qaadaan,kaddib horumar la’aanta heshiiska ay ku dhexdhexaadinaso Qaramada Midoobay dhinacyada isku haya dalka oo ku guuldaraystay in la joojiyo dagaalka sokeeye.

Hadal qoraal ah oo ay soo saareen Xuutiyiinta, waxay ku sheegeen in golaha si wareegto ah ay hogaanka u wada hayn doonaan xisbiga General People’s Congress ee uu ka tirsanaa Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax oo ay xulufo yihiin Xuutiyiinta.

Waxay sheegeen ujeedada golaha loo sameeyay ay tahay in la mideeyo xoogaga kasoo horjeedka gardarada Sacuudiga iyo xulufadiisa uu hogaaminayo, kaas oo ah isbahaysi la dagaalamaya Xuutiga, isla markaana taageerayay dowladda Yemen tan iyo sanadkii hore markii ay bur-burtay dawladii Dalka Yemen.