dagaalkyemen1Sanaa(ANN)Dagaalyahanka Xuutiyiinta, ayaa Boqolaal gantaal kaga jawaabay shirka Sucuudigu kusoo gebagebeeyay dalkiisa èe lagaga hadlayay xaalada dalka Yemen, kaas oo  ay ka qaybgashay Xukuumada masàafurisa ku maqan ee Abdoraboo Man sour  oo sucuudigu tàgeero  ay ka qaybgashay.

Shirkaa oo aanay qaybgelin Xuutiyiinta iyo xulufada Ciidanka Cali Cabdalla Saalax oo ah madaxwrynihii hore ee mudada dheer xukumayay Yemen, ayaa gebagebadiisa loogu baaqay in Xuutiyiintu isa soo dhiibaan oo ay hubka dhigaan, balse waxay taas  jawaab uga dhigeen Xuutiyintu inay  ku dhowaad 300 gantaal ku ganaan gudaha dalka Sucuuiga.

Saraakiisha Sucuudiga, ayaa xaqiijiyay gantaalahaa oo ay sheegen in khasaare dhimasho I yo dhaawac at sababeen.

Dhinaca kale qaramada midoobay ayaa ku baaqday shirt Geneva Laguna qabanayo 28 May, kaas  oo loogu baaqay I nay dhinacyada collaada Yemen ka wada qaybgalaan,balse  xukuumadda Sucuudigu taageero ee Masaafuriska ku maqan ayaa sheegtay in aanay waqti u hayn  shirkaa.

sucuudga I yo xulufada uu hoggaaminayo, ayaa tan I yo 26 March duqayn dhinaca Cirka ah ka waday halkaa, taas oo la donayay in lagu  hakiyo Xuutiyinta Shiicada ah ee doonaysay I nay la wareegto dalka, balse duqaymaha ayaa noqday kuwo aan wax natiijo ah lag a gaadhin, waxa keliya ee ay sababeen burbur iyo qax ay u horseedeen dalka Yemen, iyadoo kumanaan shacbi ah ku nafwayeen duqaymaha, island markaana waxay xulufadu go,domiyeen dalka Yemen, taas oo  horseeday masiibo bini’aadanimo