Armed Houthis gather around the wreckage of a vehicle set a blaze by angry protesters after Houthis fired on them in Yemen's central town of Ibb
Adan(ANN)Maraykanka ayaa ciidamo khaas ah oo ka joogay dalka Yemen kala baxay. Kadib markii xaalada Yemen ee dhinaca amaanka si weyn wax isaga bedeleen maalmihii u danbeeyay, waxaana laga daad gureeyay Saldhiga Istiraatiijiga ah ee Ciidamada Cirka Al Canad (Al Anad airbase) oo magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta kaga beegan dhinaca Woqooyi.
Ilaa boqol askari ka mid ah ciidamada Khaaska ah ee Maraykanka oo ku sugnaa Saldhigaa oo Midawgii Sofiyeeti dhisay xiligii uu socday dagaalkii qaboobaa, ayaa laga daabulay halkaa, waxayna Maraykanku ku tilmaameen tallaabadaa mid ka dhalatay weeraro laga cabsiqabo inay kooxda Al-Qaida ee Yemen weeraro kaga yimaadaan iyo xaalada amniga ee sida weyn isu beddesahay.
Malayshiyada Xuutiyiinta, ayaa iclaamiyay dagaal balaadhan oo ay ku qaadayaan dhinaca Magaalada Cadan iyo magaalooyinka kale ee aan weli gacantooda soo gelin, kuwaas oo ay qorshaynayaan inay gacanta ku dhigaan.
Dhinaca kale Madaxweynihii xukunka laga tuuray Abdrabbuh Mansour Hadi oo ku sugan magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta, ayaa ka hadlay xaalada dalka, wuxuuna ugu baaqay malayshiyada Xuutiyiinta inay ka baxaan magaalooyinka ay qabsadeen, gaar ahaan caasimada Sanca ee ay hore ula wareegeen, isla markaana xafiisyada dawlada ee ay qabsadeen ka baxaan oo ay soo celiyaan hubkii ay qaateen oo sida uu sheegay xeryaha dawlada laga xaday markii ay Malayshiyada Xuutigu qabsadeen dhamaadkii sanadkii hore xarunta dalka Yemen ee Sanca.
Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi oo ku sugnaa bishii u danbeyay tan iyo markii horaantii sanadkan january 2015, xukunka laga tuuray magaalada Cadan, ayaa markii u horaysay maanta ka hadlay Telefishanka Adan TV tan iyo markii uu kasoo baxsaday xabsi guriga magaalada Sanca bil ka hor, wuxuuna ku baaqay in miiska wada hadalka laysugu yimaado si loo badbaadiyo jiritaanka iyo qaranimada dalka Yemen.
Balse Mohammed Al Bukhaiti oo u hadlay golaha siyaasada ee Xuutiyiinta, ayaa ku tilmaamay baaqa Abdrabbo Mansour mid aan waxba ka jirin, isagoo ku eedeeyay inuu dalka geliyay xaalada uu maanta ku jiro. Kadib markii sida uu sheegay uu fulin waayay heshiiskii September 2014.
Xaalada Dalka Yemen, ayaa u muuqata inay faraha kasii baxay, iyadoo shalay weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday sadex masjid oo salaadii Jimacaha lagu tukanayay oo ku yaal magaalada Sanca ee ay xuutiyiintu gacanta ku hayaan, waxaana weeraradaa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 137 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 357 qof, sida ay baahisay wakaalada wararaka ee Saba News Agency, waxayna weerarada qaraxyada oo ahaa Afar qof oo naftood hurayaaal ah la beegsadeen masjidada magaalada Sanca xili salaadii Jimcaha lagu jiro, balse mid ka mid ah ayaa la toogtay ka hor intii aanu isku qarxin.

Kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa sheegtay in ay ka dambaysay weerarada khasaaraha baddan dhaliyay ee Yemen, wuxuuna noqonayaa weerarkii ugu xumaa ee ay kooxda daacish ka geystao Yemen tan iyo markii ay soo baxday inuu jiro farac kooxda ISIS ee daacish ku leeyihiin Yemen oo lagu oggaaday weeraradii dhowaan ka dhacay dalka faransiiska.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in dhaqaalaha dalkaa oo ka mid ahaa kuwa ugu saboolsan dunida uu galo xaalad khatar oo horseeda bur-bur iyo colaado aan la saadaalin Karin natiijadooda, iyadoo waqtigan dalka Yemen ay ku loolamayaan dalalka Iran, Sucuudiga iyo wadamada shisheeye, ayaa laga cabsiqabaa inay marto jidkii Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews