mudaharadyemenWararkii U Danbeeyay ee Yemen Oo Dagaal Sokeeye Kisii Siqay
Taiz(ANN)Malayshiyada shiicada ee Xuutiyiinta, ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta magaalada Istiraatiijiga ah ee Tai zoo qiyaastii 390km kaga beegan dhinaca Koonfurta Sanca.
Malayshiyada Xuutiyiinta, ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay madaarka caalamiga ah ee magaalada Taiz, sidoo kale waxay la wareegeen xarunta Sirdoonka ee ku taal magaalada iyo goobo kale oo muhiim ah, isla markaana waxay magaalada ka sameeyeen goobo gaadiidka lagu baadhayo si loo hakiyo isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa magaalada.
Boqolaal qof oo ka cadhaysan qabsashada xuutiyiinta, ayaa isugu soo baxay shaaracyada wadooyinka Taiz, balse malayshiyada xuutiyiinta ayaa tacshiirado rasaas ah ku kala eryay, waxaana tacshiiradahaasi sababeen ugu yaraan dhimashada hal qof iyo 82 dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.
Ergayga Qaramada midoobay ee Yemen, ayaa ka digay in dagaal sokeeye ka qarxaan halkaa, iyadoo golaha amaanku shalay kasoo saaray qaraar arrinta sii xumaanay ee dalka Yemen oo u muuqata mid marba marka danbaysa faraha kasii baxay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews