Araweelo News Network.

Maxaa Laga Filayay Amiir Nawaaf Markii uu xukunka la wareegay Afar Bilood Ka hor

 

Kuwait(ANN)-Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa soo saaray wareegto khusaysa xukuumaddiisa, taas oo cabsi ku abuurtay gollaha xukuumadda, isla markaana lagu soo dhisayo xukuumad cusub.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee dalka Kuwait (KUNA), oo soo xiganaysa wareegto kasoo baxday Qasriga Amiir Nawaaf Al-Axmad maanta oo Axad, waxa lagu kala daadiyay xukuumaddii hore, waxaana dib loogu magacaabay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.

Ra’iisal wasaasraha la magacaabay ayaa lagu amray inuu soo xulo golle xukuumad oo tayo leh, kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar, isla markaana ka turjumaya qorshaha siyaasada iyo istiraatiijiyada dalka Kuwait.

Wakaaladda wararka ee Kuwait oo loo soo gaabiyo (KUNA), ayaa sheegtay in xukuumaddii hore xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub.

.

Amiirka dalka Kuwait Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir, ayaa xukunka la wareegay kaddib markii uu geeriyooday Amiirkii hore Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo muddo dheer xukumayay dalkaa, isla markaana saamayn weyn ku lahaa siyaasada Bariga dhexe, dunida Islaamka iyo dalal kale oo badan, ayaa geeriyooday dhammaadkii Sep 2020, isagoo 91 Jir ah, waxaana xukunka ka dhaxlay walaalkii oo ay isku Aabbo yihiin, kaas oo ahaa dhaxal Sugaha, isla markaana xilligan ah Amiirka Kuwait Sheikh Nawaf al-Ahmad al-Jaber al-Sabah.

Amiirka xukunka dhaxlay Amiir Nawaaf oo ah 83 jir ah, ayaa ah nid da’a ah oo aan caafimaadkiisu wanaagsanayn, waxaana Amiirka cusub oo loolan kaga imanayay dhanka qoyska Boqortooyada loo arkayay in yahay Amiir aan laga filayn inuu isbedel layaableh ku sameeyo siyaasadaha Kuwait, isagoo markii uu xukunka la wareegayba shaaciyay inuu raacayo jidkii Amiirka dhintay ee uu dhaxlay.

Waxaana loolan ku hayay qaar ka mid ah qoyska oo ay ugu cadcadaayeen wiil uu dhalay Sheekh Sabaax, wasiirkii hore ee gaashaandhiga Sheikh Nasser al-Sabah  iyo wiil uu adeer u yahay, Ra’iisal wasaarihii hore Sheikh Nasser al-Mohammed.