Araweelo News Network.

#Nancy Pelosi, Oo Sheegtay Hanjabaado Kongareska Lagu hayo iyo 160 qof oo Loo xidhay weerarkii Capitol

Washington(ANN)- Booliska Federaalka Maraykanka, ayaa xabsiga dhigay laba Haween ah oo lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen sidii loo khaarajin lahaa haweenayda Afhayeenka Aqalka Wakiiladda Nancy Pelosi, kaddib weerarkii taageerayaasha Trump ku qaadeen dhismaha Capitol 6 Jan 2021.

Hay’adda FBI, ayaa Dawn Bancrof iyo Diana Santos-Smich kasoo xidhay Pennsylvania 29 Jan 2021, waxaana lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen sidii ay u khaarajin lahaayeen Afhayeenka Aqalka Wakiiladda Nancy pelosi

Booliska, ayaa sheegay in ay hayaan cadayn muuqaal Video muujinaya, iyagoo labadaa haween ah muuqaal ay u direen cauurtooda markii uu dhacay weerarka Capitol 6 jan ku sheegayaan in ay galeen aqalka oo jabsadeen, isla markaana ay fulinayaan hawgalka qorshahooda ku waajahnaa halkaa.

Jorge Aaron Rile sawirka midig iyo labada haweenka ah muuqaalka bidix Dawn Bancroft and Diana Santos-Smith.

“Waxaangalnay Aqalka Capital waanu jebinay, waanu fulinaynaa, waxaan eegaynaa Nancy, si aan u khaarajino” ayay ku leeyihiin muuqaalka la hayo sida ay sheegtay Independent warbaahinta ee Britain oo soo xiganay saraakiisha FBI.

Cadaynta muuqaalka ayay Boolisku sheegeen in ay heleen 12 Jan 2021, isla markaana waxa haweenkaa oo qayb ka ah 160 qof oo loo qabtay weerarkaa, kuwaas oo maxkamadda Federaalka lasoo taagayo.

Dadka la xidhay waxa ku jira hoggaamiyihii  kooxda la baxday Jorge Aaron Rile, oo 20 Jan 2021, laga soo xidhay California, Jarge, ayaa u dhaqdhaqaaqa xisbiga Rrepublican ee Trump, wuxuuna ahaa xoghayaha xisbiga ka hor intani xilka iska casilin si kahsab ah.

 Enrique Tarrio hogaamiya garabka midig ee Proud Boys

 Enrique Tarrio hogaamiya garabka midig ee Proud Boys

Sidoo kale, Enrique Tarrio oo ah hoggaamiyaha kooxda xagjirka ah ee la baxday (Proud Boys extremist ), kuwaas oo uu Trump laftiisu xubin ka yahay, isla markaana aannay ku jirin wax haween ah, ayaa la xidhay.

 

Mr Tarrio waa shaqsi caan ah oo abaabula, ama hogaamiya garabka midig ee Proud Boys marka ay wajahayaan kuwa ay rumeysan yihiin inay yihiin Antifa – oo loo soo gaabiyay “anti-fascism” – oo ah jahwareer iyo dhaqdhaqaaq bidix oo inta badan rabshad wata. Wiilasha Proud ayaa ku lug lahaa rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Capitol bishii Jan 6. 2021.

Tarrio ayaa la qabtay ka hor rabshadaha Capitol Hill,  Booliska Washington ayaa xidhay Mr Tarrio horaantii bishii Jan, markii uu magaalada Washington yimi  labo maalmood ka hor rabshadihii ka dhacay Capitol Hill.

Waxaa lagu soo oogay inuu heysto labo joornaal oo qoryaha qafilan ah, iyo gubida calanka madoow ee loo yaqaan Black Lives Matter intii lagu guda jiray mudaaharaadkii bishii Diseembar ee taageerayaasha madaxweynihii hore Donald Trump.

Enrique Tarrio, ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin kooxo si qarsoodi ah uga dhisan dalka Maraykanka, kuwaas oo fuliya qorshayaal siyaasadeed, iyadoo Tarrio, lagu tilmaamay in kooxdiisu ay qalalaase siyaasadeed ka fuliyaan Maraykanka iyo Canada. Kooxdaa iyo kuwo kale oo qayb ka ah rabshadihii iyo weerarkii lagu qaaday Aqalka Capitol oo sababay khaasre dhimasho ugu yaraan shan qof oo uu jiro sarkaal ka mid ahaa Booliska ilaalinayay dhismahaa.

 

Afhayeenka Kongareska Maraykanka, ayaa shaagtay in Sharci-dajiyayaashu ay la kulmaan hanjabaado rabshado ah oo ka imanaya “cadow”  ku dhex dhaca Kongareska, sidaa awgeed loo baahan yahay lacag badan si loo ilaaliyo, ayay tidhi, Nancy Pelosi Khamiistii, wuxuuna hadalkeedu muujiyay qirasho layaableh oo ah in ay sii kordhayaan xiisaddaha gudaha ee amniga tan iyo marii uu dhacay weerarkii 6 Jan 2021,  ee Capitol, kaas oo ay geysteen taageerayaasha Madaxweynihii hore Donald Trump.

Sidoo kale, waxay sheegtay in xubnaha Kongareska qaarkood ka walaasan yihiin amnigooda, wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qabsaday dhismaha Capitol bishii hore, waxayna mar la weydiiyay waxay ula jeedo cadawga gudaha sheegtay in ay jiraan mudanaayal doonaya in ay qoryaha dhulka dhigaan, kuwaas oo sida ay sheegtay ku hanjabya rabshado.

Mudayaasha qaarkood ayaa la sheegay in ay heleen farriimo hanjabaad ah, kaddib markii ay u codeeyeen xilka qaadistii Trump, iyadoo Afahyeenka Kongaresku sheegtay in qalabka hubka iyo waxyaabaha qarxa sheega ee gollaha loo sameeyay ay xildhibaanada Jamhuuriga qaarkood diideen in ay maraan, taas oo cabsi weyn ka abuurtay Kongareska, waxayse sheegtay in la wado sharci ganaaxaya xubnaha diida in ay maraan halka qalabka la dhigay ee iska dhaafa, kuwaas oo Konagaresku sharci kasoo saarayo sida ay sheegtay Afhayeenka Kongareska Nancy Pelosi.