Araweelo News Network.

 

Washington(ANN)-Gantaallaha Iiraan, ayaa hafiyay mid ka mid ah Maraakiibta ugu waaweyn dunida ee ciidamada badda ee Maraykanka, kaas oo lagu magcaabo USS Nimitz oo lagu amray inuu ku sugnaado bariga dhexe mudada kala guurka ee munaasibada caleemasaarka Madaxweynaha cusub Joe Biden.

Wakaaladda wararka Maraykanka ee Fox News, ayaa shaaca ka qaaday in gantaalaha ridada dheer ee Iiraan ay ku dhaceen meel u dhow markab ganacsi oo ku sugnaa Badweynta Hindiya, kuwaas oo haleelay meel 100 mayl u jirta markabka diyaaraddaha xanbaara ee Maraykanka ee lagu magcaabo Nimitz.

Wakaaladdu waxay sheegtay, in dayax gacmeedyada Maraykanka ay ogaadeen gantaallo ku dhacay Badweynta Hindiya, kuwaas oo laga soo riday dhanka dalka Iiraan, waxayna intaa ku dartay iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah in ugu yaraan hal gantaal uu ku dhacay meel 20 mayl u jirta markabka ganacsiga, laakiin waxay diideen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan markabka, iyagoo ku andacooday in sababta aannay faahfaahin u bixinayn ay tahay rrimo xagga ciidamadda ah oo sir ah awgeed.

AKHRI:  Diyaaraddaha Maraykanka Oo Duqeeyay Bariga Dhexe

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in markabka diyaaraddaha Maraykanka ee lagu magcaabo Nimitz oo qiyaastii u jiray meesha ay gantaalluhu ku dhaceen 100 mayl, iyagoo  ku dooday in gantaalaha Iiraan markii ay ku dhacayeen badda ay sababeen in burburka diyaaraduhu u duulo dhan walba, walaw aannay sheegashada ka sokow soo bandhigin khasaare soo gaadhay oo muuqda.

Arrintan ayaa kusoo beegnatay iyadoo xiisad weyn iyo walaac laga qabo xaaladda munaasibada caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Joe Biden oo ku beegan 20 Jan 2021, taas oo saddex maalmood kaddib loo asteeyay.

Maraakiibta la socota iyo markabka sida diyaaraddaha ayaan arki karin gantaallaha 100 mayl u jira, sida ay sheegayaan saraakiisha, balse waxay sheegeen in dayax gacmeedada Maraykanku ay ogaadeen gantaallaha laga soo ridayo Iiraan.

AKHRI: Kongareska Maraykanka Oo Xilka Ka Qaadaya Trump Iyo Xiisada Kala Qaybsanaanta Doorashada

Wakaaladda wararka Fox News, ayaa ku sutan taageerayaasha Trump, iyadoo si weyn ugu milantay maamulka Madaxweynaha lagaga adkaaday doorashadii November, taas oo calaamtu’su’aal gelinay sida wararkeeda loogu kalsoonaan karo.

Wuxuuna warkan kusoo beegmay, iyadoo xilligan Kongaresku xilka ka xayuubiyeen Trump oo maalmo yar u hadheen, taas oo sabab looga dhigay dhacdadii sida weyn dunida uga yaabisay ee taageerayaashiisu ku qabsadeen dhismaha Capitol 6 jan 2021, isla markaana sii xoojisay walaac weyn oo horeba looga qabay Trump oo diiday marnaba inuu aqbalo natiijada doorashada.

Madaxweyne Trump, ayaa dhowaan amar ku siiyay markabka Nimitz inuu kusii sugnaado waqooyiga gacanka Beershiya iyo Biyaha Khaliijka inta lagu guda jiro xaflada caleema saarka ee Madaxweynaha cusub.

Sidoo kale, Maraykanka ayaa u diray horaantii todobaadkan markab gujis ah oo lagu magcaabo USS Georgia, kaas oo xanbaarsan in ka badan 150 gantaal, waxaana la geeyay meel u dhow goobta ay ciidamada Iiraan  ku sameeyaan carbiska iyo dab-ridka ee marinka Hormuz.

AKHRI: Jeneraalka Millateriga Maraykanka U Sareeya Oo Heeggan Geliyay Haya’ddaha Amniga Iyo Hanjabaado Cabsi Abuuray

Sidaana waxa lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada badda ee Maraykanka, maalintii Isniinta ee todobaadkii hore, iyagoo sheegay in  maraakiibta maraya halkaa ee gantaallaha laga hago uu wehliyo markab quwada nukliyeerka xanbaarsan oo kasoo talaabay marinka Hormuz, kaas oo sida ay sheegeen usii jeeda dhinaca gacanka Beershiya iyo Biyaha Khaliijka.

Bayaanka waxa kale oo lagu sheegay in Markabkaasi marinka bada u  tegey sidii loo taageeri lahaa howlaha bada,  isla markaana loo xaqiijin lahaa xasiloonida badda iyo amniga aaga isku xidhaya Badda Dhexe, Badweynta Baasifigga iyo galbeedka Badweynta Hindiya, oo ah aag muhiim u ah ganacsiga aduunka, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka.