Araweelo News Network.

#Kashmir waa meelaha ugu taariikhda weyn muranka 1947

 

#Tehran(ANN)-Xukuumadda Dalka #Iran, ayaa soo dhowaysay heshiis ay dalalka India iyo Pakistan ka gaadheen xiisadda xadka ay ku muransan yihiin ee gobolka Khasmir.

Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa sheegtay in ay dhawaysay heshiiska dhexmaray Pakistan iyo India ee ku saabsan Kashmir, kaas oo dhigaya in ay go’aan ku gaadheen in si adag loo ilaaliyo xabad joojinta dhanka xadka dhabta ah ee lagu muransan yahay  gobolka Kashmir.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Saciid Khatibzadeh ayaa Axaddii ku ammaanay labada dal heshiiskaa, wuxuu bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabada iyo xasiloonida oo lagu soo kordhiyay Koonfurta Aasiya

 

Khatibzadeh, wuxuu rajo ka muujiyay in Islamabad iyo New Delhi ay kasii shaqayn doonaan si loo hubiyo daryeelka gobolka.

 

Bayaan wadajir ah, ayaa la soo saaray khamiistii kadib dhawr bilood oo ay iska hor imaadyo u dhexeeyeen India iyo Pakistan.

“Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in si adag loo ilaaliyo dhammaan heshiisyada, isfahamka iyo joojinta rasaasta ee khadadka kontoroolka iyo dhammaan qaybaha kale, wuxuuna dhaqan gelayaa saqda dhexe.”,  ayaa lagu yidhi, Bayaanka ay soo wada saareen India iyo Pakistan.

Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in ciidamada labada qaran ay wadahadal ku yeesheen “jawi xor ah oo run ah, isla markaana ahaa mid qiiro leh.”

 

Dalalka India iyo Pakistan oo muddo dheer ku muransanaa halkaa, isla markaana khilaafyo gacan ka hadal ah marar badan ku dhexmareen, ayaa midba midka kale ku eedayn jiray inuu mas’uul ka ahaa xadgudubyada xabad joojinta marar hore fashilantay.

Labada dhinac waxay si joogto ah isku weydaarsadaan jireen xabbad joojinta, oo loo yaqaan Line of Control (LoC) oo kala goysay labada dal tobbanaan sannadood oo xiisaddi ka taagnayd gobolka.

 

Millatariga dalka Pakistan ayaa sheegay in 1.7 milyan oo rayid ah ay ku nool yihiin hareeraha khadka ilaalada ciidamadoodu joogaan ee Kashmir, halkaas sida ay xuseen ay aad ah ugu tiirsan yihiin inay ku dhuuntaan dhufaysyada inta lagu jiro isku dhacyada.

 

Dhul lagu muransan yahay, Kashmir waxaa loo kala qaybiyey India iyo Pakistan tan iyo markii ay kala qaybsameen ee 1947, wuxuu gobol labada dhinac ay ku murmaan oo mararka qaar dagaalo ku dhexmaraan ciidamada labada dal.

 

Xafiiska arrimaha dibedda ee Pakistan ayaa sheegaya in ciidamada India ay ugu yaraan 28 qof oo rayid ah ku dileen Kashmir sannadkii hore.

 

Bishii August 2019, Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi wuxuu ka noqday madaxbanaanida xaddidan ee gobolka ay ku badan yihiin Muslimiinta.

waxaana ku xigay in lagu soo rogo xayiraad adag oo dhanka dhaq-dhaqaaqa ah iyo qab-qabasho ballaadhan oo ay u geysteen mas’uuliyiinta Inida ee aaggaas.

 

Narendra Modi, wuxuu dadka reer India u sheegay in dawladdiisu balan qaaday talaabadan inay nabad iyo barwaaqo u horseedi doonto Kashmir iyo Pakistan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa lagu tilmaamay in ay tahay tallaabadani mid ku adkaysana in ay tahay in lagu xad gudbay xuquuqda dadka reer Kashmir.