Araweelo News Network.

Madaxweyne ku xigeenka oo lagu duduucayo in Madaxweyne Trump xilka Laga xayuubiyo ka hor munaasibada aan kalsoonida lagu qabin sida xaalku noqon doono ee caleema saarka Joe Biden

Washington(ANN)-Jeneraalka ugu sareeya ciidanka  Maraykanka Mark Milley iyo dhamaan Taliyayaasha kala duwan ee ciidamadda iy, hay’addaha amniga ayaa wada-jir usoo saaray bayaan ay kaga hadlayaan xaaladda uu galay dalka Maraykanku ee xilligan.

Jeneraalka ugu sareeya iyo dhamaan madaxyada laan kasta oo millateri, waxay soo saareen bayaan ay salaasadii maanta ku cambaaraynayaan duulaankii rabshadaha watay ee ka dhacay Capitol-ka 6 jan 2021, iyagoo ka digaya cabsida laga qabo in Madaxweynaha weli xilka sii haya ee Trump uu qalalaase abuuro mar kale ka hor inta aan la gaadhin munaasibada 20 Jan 2021.

Saraakiisha ayaa ugu baaqay xubnaha adeegga iyo laamaha amaanka inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan taageerada iyo difaaca dastuurka oo ay diidaan waxay ku tilmaameen xagjirnimada.

 

“Waxaan aragnay ficillo ka dhacay gudaha dhismaha Capitol oo aan waafaqsanayn sharciga. Xuquuqda xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka, dastuurku  qofna xaq uma siinayo inuu adeegsado rabshado, kacdoon iyo qalalaase,” ayay ku yidhaahdeen bayaankaa oo laga sii daayay Telefishanka CNN.

Bayaanka, ayaa loo fasirtay inuu yahay talaabo muhiim ah, sababtoo ah madaxdu waxay raadinayaan meel kasta oo ay suurtagal tahay si looga fogaado qaadashada mowqifyada laga yaabo inay leeyihiin dulucda siyaasadeed,  Laakiin marka la eego wixii dhacay, madaxdu waxay dareemeen inay muhiim tahay in la sameeyo bayaan marka loo eego culeyska dhacdooyinka ku xeeran caleema-saarka munaasibada loo qorsheeyay 20 Jan 2021.

“Haddii aan nahay Xubnaha Adeegga, waa in aan ka koobnaano muuqaalka guud ee qiyamka iyo himilooyinka Qaranka. Waxaan taageeraynaa oo aan difaacaynaa dastuurka. Tallaabo kasta oo lagu carqaladaynayo geeddi-socodka dastuurka ma aha oo keliya mid ka soo horjeedda dhaqankeenna, qiyamkeenna, iyo dhaarteenna ee waa mid ka soo horjeedda sharciga, ayaa lagu yidhi baaqa.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay bayaanka inuu tixraacayo, ama ka duulayo shahaadada doorashada ee Kongreska Maraykanku siiyay Biden, iyadoo lagu yidhi bayaanka, “Madaxweynaha la doortay Biden waa la caleemo saari doonaa wuxuuna noqon doonaa Taliyahaayaga guud ee 46-aad.”

Dhinaca kale, Bayaanka ayaa soo baxay kaddib markii Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo Donald Trump uu wax fool xun ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Kongres-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.ka hor 20 Jan 2021.

Hase yeeshee Trump, ayaa ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan oo ay khal-khal geliso xaaladda dalka.

Aqalka Wakiillada ayaa qorshayna in maanta oo Arbacada ah ay u  codeeyaan qodobka dastuurka ee xil ka qaadista Trump, “Waxay ila tahay in howsha xil ka qaadista ay sababayso cadho xad dhaaf ah oo ka dhalata wadankeena. Anigu ma doonayo qalalaase,” ayuu yidhi Trump, isagoo sidaa ka sheegay maanta mar uu kasii baxayay Aqalka cad.

Donald Trump ayaa si weyn looga cabsi qabaa inuu kiciyo duufaano marka ay gaadho maalinta loo qorsheeyay in la qabto xaflada ee 20-ka bishan January, waana maalinta xafiiska loo dhaarinayo Madaxweynaha ku guulaystay doorashada ee kasoo jeeda xisbiga Dumuqraadiga  Joe Biden iyo ku xigeenkiisa haweenayda Kamala Harris.

 

Tan iyo markii uu Trump sameeyay qalalaasaha sida weyn u gilgilay maraykanka ee lagu hujuumay todobaadkii hore Capitol, waxa Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Mike Pence iyo gollaha wasiirada cadaadis xoog leh lagu saarayaa in ay codsadaan sidii xafiiska looga eryi lahaa Trump, ka hor munaasibada si markaa kaddibna uu isagu ku sime sii ahaado inta laga dhaarinayo Mr Biden.

Kongres-ka ayaa fadhi ay yeesheen 12 jan u codeeyay in Mr Pence uu codsado xil ka qaadista Trump, waxaase  jira warar sheegaya in Mike Pence aannu weli arrintaa taageersanyn.

Dhammaan arrimahaa iyo kuwo kale, ayaa abuuray xaalad cabsi leh, iyadoo si weyn looga baqayo in magaalada Washington DC iyo guud ahaan Maraykanka ay dhibaatooyin dhanka amniga ah ka dhacaan, kaddib qalalaasihii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dhismaha Capitol oo dunida ka yaabiyay, isla markaana shacbiga Maraykanka ku noqday lama filaan iyo wax aannay marnaba filayn inay arkaan ficilo sidaa oo kale ah oo ka dhaca Washington.

FBI-da Maraykanka oo ka duulaysa arrimahaa iyo xoggo kale oo la xidhidiha amniga, ayaa ka digtay suurtogalnimada ah in dibadbaxyo hubaysan ay ka dhacaan Maraykanka maalmo ka hor intaan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha 20-ka jan 2021.

Warbixin ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegay in ay jirto koox qorshaynaysa inay weerar ku qaadaan dalk, waxayse sheegeen in ay taasi dhacayso, haddii xilli hore xafiiska laga saaro Trump ama maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub.

Hay’addaha amniga ayaa dhammaantood la geliyay heegan buuxa, waxayna Saraakiisha ammaanku ka digayaan in aannay mar kale dhicin wixii dhacay 6 Jan 2021, ee ka dhacay Capitol kaddib markii  kumannaan taageerayaal u ah Trump ay xoog ku galeen dhismaha Kongareeska Maraykanka, halkaas oo ay ka socotay cod loo qaadayay natiijada doorashadii madaxtinnimada ee November 2020.