Araweelo News Network.

By Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Khudbadii Madaxweynaha Cusub, Khuraafaadkii Iyo Beentii Trump Iyo Carqaladihii uu ka tegey oo ka muuqday munaasibada dhaarta oo xusuusisay taariikhda Maraykanka 150 sannadood ka hor.

Washington(ANN)-Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay intii ay socotay munaasibada caleemasaarka Joe Biden, iyadoo gebi ahaanba la xidhay magaalada si loo sugo amaanka wixii ka danbeeyay weerarkii ay canaasiirta Trump kusoo qaadeen 6 Jan Aqalka Capitol, taas oo sababtay in laga sii werwero xaaladda iyo sida ay wax u dhacyaan ee xukunka iyo awoodda loo kala wareejinayo.

Millateriga iyo dhammaan hay’addaha amaanka ee qarnanka ayaa isku gedaamay agagaarka Aqalka Capitol ee munaasibadu ka socotay iyo dhammaan dhismayaasha ku xeeran, waxaana la xidhay dhammaan wadooyinka, iyadoo la dhigay ciidamada Millateriga Maraykanka oo ku gaashaan qalabkooda iyo saannadooda Millateri, waxaana la koobay dadka ka qaybgelaya munaasibada, sababo amaan iyo kuwo caafimaad.

Joe Biden

Joe Biden madaxweynaha cusub oo farxad laabta ay is geliyeen qoyskiisa, marwada koowaad Jill Biden, wiilkiisa Hunter Biden iyo gabadhiisa Ashley Biden markii loo dhaariyay xilka Madaxweynihii 46aad ee Maraykanka. 20 Jan 2021.

Joe Biden wuxuu socod gaaban ku maray safarkii ugu horreeyay ka hor inta aannu soo gelin Aqalka Cad markii ugu horreysay isagoo ah madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka, isagoo ku ordaya dhinacyada si uu u salaamo weriyeyaasha iyo martida kooban ee ka soo qeybgalay munaasibada lagu qabtay magaalo la hareereeyay oo lagu gadaamay ciidan si loo sugo amaankeeda .

Biden, ayaa ballan-qaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isagoo yidhi,  “hoggaamiyayaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta, waa  inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee layskaga keenay Casaan iyo Bulluug,” isagoo tilmaamaya calaamada midabada ay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadigu isticmaalaan.

 

Madaxweynaha, waxa horyaal caqabado siyaasadeed oo baahsan, dhibaatooyin dhaqaalle iyo kuwo qowmiyadeed oo Trump ku xidhay dalka mudadii uu xilka hayay, iyadoo Madaxweyne Biden ay sugayaan  17 ficil oo fulin ah oo diyaar u ah saxeexiisa, wuxuu qorsheynayaa inuu si deg-deg ah ugu mashquuliyo shaqada qaran sidii uu mashaakilada  faraha badan uu kow ka yahay xannuunka Coronavirus  oo si xun dalka ula degey, isla markaana galaaftay in ka badan 400,000, loola tacaali lahaa, iyadoo aannay jirin astaamo muujinaya inuu jiro hoos u dhac xannuunka ah, wuxuuna doonayaa, dib u soo celinta talaalka botched, sidoo kale waxaa u qorshaysan inuu wax ka qabto hoos u dhaca dhaqaalaha iyo kala qeybsanaanta qotada dheer ee ka jirta Maraykanka iyo dhibaatooyinka shaqo la’aanta , iyadoo mushkiladahaa iyo kuwo badan oo kale ay noqdeen raadadkii  iyo dhaxalkii uu ka tegey Donald Trump

Joe Biden

Joe Biden oo loo dhaarinayo Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka 20 jan 2021.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Jeo Biden iyo qoyskiisa ayaa socod ku maray daaraha Aqalka Cad kaligood, saacado kaddib markii Trump uu ka dhoofay Washington, isagoo diiday inuu ka qeyb galo dhaarinta Madaxweynaha cusub iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Trump, ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay in ka badan 150 sannadood taariikhda Maraykanka diida inuu ka qaybgalo xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub, wuxuuna Trump u duulay dhanka  Florida ka hor inta aan la dhaarin Biden, balse si nabad ah ayaa xukunka loola wareegay, iyadoo aannay dhicin rabshado iyo dhibaatooyin kale oo aad looga baqayay.

Magaalada Washington, in kabadan 25,000 oo katirsan ciidamada ilaalada Qaranka ayaa goobta ku jiray si loo hubiyo in wareejinta awoodda qaranka in ay si nabad ah kudhacday, isla markaana looga gaashaanto rabshado dhaca oo si weyn looga gaashaantay.

Markii ay si dhacday dhaarintii Joe Biden, waxa si weyn daaha looga fayday neeftii dadka haysay iyo werwerkii sida weyn looga wer wersanaa xaaladda,  waxayna xil wareejinta xukunka ee nabada  ka dhacday duhurkii magaalada caasimada ah ee aadka loo ilaaliyo.

Biden wuxuu markaa u jiheystay Qabuuraha Qaranka ee Arlington halkaas oo ubax dhigis loogu sameynayo Qabriga Askariga aan la aqoon. Waxaa ku weheliyey Madaxweynayaashii hore ee Barack Obama, George W. Bush iyo Bill Clinton, iyo xaasaskooda, taas oo muujinaysay sii wadida qaranka isu soo dhowaanshaha labada labada xisbi oo aanu  ku jirin Trump.

Biden wuxuu ku dhaartay xafiiska Capitol ee Maraykanka , halkaas oo ahayd goobtoo labo todobaad ka hor koox kacdoon wadayaal ah ay weerareen dhismahaas, kuwaas oo doonayay in la guusha Madaxweyne  Biden ee doorashada laga dhigo Trump, iyadoo lagu saleynayo beenta Trump ee natiijooyinka.

Madaxweynaha cusub Joe Biden, wuxuu u dhaqaaqay howsha culus ee ah midaynta shacbiga Maraykanka,  isagoo ku booriyay dadka Maraykanka ah inay isu yimaadaan si ay uga hortagaan aafada ba’an ee COVID-19, iyo  dhaqaale burburka,  taasoo ka dhigtay malaayiin shaqo la’aan iyo kala qeybsanaan qoto dheer oo ku saabsan arrimaha caddaaladda jinsiga iyo naxariis darrada Booliska oo mudadii uu xukunka hayay Trump sii korodhay.

“Maanta oo kale bisha Jan, naftayda oo dhan waxay ku jirtaa  isu keenida dadka Maraykanka, oo waxn midaynayaa qarankeena, waxaana ka codsanayaa qof walba oo Maraykan ah inuu igu soo biiro arintan,” Biden ayaa ku yidhi furitaankii khudbadiisa taariikhiga ah.

Madaxweyne ku xigeenkii hore oo hada xukunka la wareegay, isagoo Madaxweyne ah, ayaa go’aansaday inuu u tartamo Aqalka Cad kaddib falcelintii naxdinta lahayd ee Trump uu ka muujiyay isu soo baxii ka dhacay magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia, sanadkii 2017. Biden  ayaa xusay in qaranku la daalaa dhacayo kor u qaadista qaranimada Cad, midab takoorka iyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee qotada dheer oo ragaadisay hawlihii iyo horumarkii Maraykanka.

“Siyaasaddu maahan inay noqoto dab holcaya oo baabi’inaya wax walba oo jidhkiisa ku jira,” ayuu yidhi Biden, isagoo ugu baaqay dadka Maraykanka inay isu yimaadaan. Waa inaan ka duwanaano tan, Maraykanka waa inuu ka fiicnaadaa tan ayuu yidhi,isagoo u jeeda xaaladda xilligan ka taagan Maraykanka.

“Waxaan madaxweyne u noqon doonaa dhammaan dadka Maraykanka ah. Waxaan ula dagaalami doonaa kuwa aan i taageerin sidii kuwii ii taageeray.”ayuu Biden yidhi, isagoo si toos ah ula hadlaya kuwa aan isaga taageerin doorashadii dhacday bishii November 2020, taas oo si weyn u abuurtay khilaaf iyo kala qaybsanaan sii wiiqday dhaqaalaha dalka iyo amniga oo xumaaday, isla markaana si weyn dhulka u jiiday sumcadii dhanka dimuqraadiyada Maraykanka lagu majeeran jiray ee dunidu kaga dayanaysay mudada dheer.

Madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris ayaa taariikh samaysay, kaddib markii Arbacadii loo dhaariyey inay noqoto haweeneydii ugu horreysay, isla markaana ah qofkii ugu horreeyey ee Madow ah ee Maraykanka ka noqota madaxweyne-ku-xigeenka, iyadoo weliba kasoo jeeda asalkeedu Koofurta Aasiya.

Maraykanku waxay sanandkii u danbeeyay u ahayd sanad buuq badan, wuxuuse Joe Biden sheegay inuu bilaabyo bog cusub oo dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah iyadoo Maraykanku ay isugu soo baxeen jidadka si ay uga mudaaharaadaan cadaalad darada midab takoorka iyo naxariis darada booliiska ka dib dhimashadii George Floyd, waxayna dhaarinta Joe Biden iyo Kamala Harris oo taariikhiyi u ahayd guul la taaban karo oo u soo hoyatay dal inta badan halgan ugu jiray ku noolow himilooyinka sinnaanta ee dhammaan aadamaha iyo horumarka.

Madaxweynaha cusub ee Joe Biden, ayaa khudbadiisa ku xusay dabeecadda taariikhiga ah ee dhaarinta Harris, isagoo yidhi, “Halkan waxaan u taaganahay inaan eegno Suuqa weyn, halkaas oo Dr. (Martin Luther) King (Jr.) uu ka hadlay riyadiisa. Halkaan waxaan taaganahay meeshii 108 sano ka hor, goob kale oo lagu caleemo-saarayay, kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa isku dayay inay ka hortagaan haweenka geesiyaasha ah ee u soo socday Xuquuqda codbixinta. Maanta, waxaan xusnay dhaartii haweeneydii ugu horreysay taariikhda Maraykanka ee loo doorto xafiiska qaranka, Madaxweyne kuxigeenka Kamala Harris, ”ayuu yidhi Biden.

Madaxweyne Biden, ayaa doonaya inuu muujiyay intii ku guda jiray khudbadiisa  inuu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono inuu tirtiro dhaxalkii Trump, iyadoo kaaliyeyaashu ay diyaarinayaan tobanaan fal fulin ah oo Biden qaadi karo,  isla marka loo dhaariyo xafiiska oo ay ka mid yihiin ku dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris iyo joojinta xayiraadda Trump ee safarka dadka dalalka u badan Muslimiinta. Sidoo kale Biden, wuxuu qorsheynayaa inuu kordhiyo joojinta ka saarida iyo ka-qaadista qoysaska ay saameysay Covid-19 iyo inuu saxeexo  amar u baahan Gafuur-xidhka si looga gaashaanto xannuunka marka la joogoxafiisyada  federaalka iyo inta lagu jiro safarka gobollada loogu baxayo.

Munaasibada, waxa laga maqlayay codad kor u kacaya oo ahaa farriimo ku socda dhagaystayaasha labada xisbi – taas oo astaan u ahayd daqiiqad dimuqraadiyadii oo la soo celiyay kaddib qalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay gabadha lagu magcaabo Lady Gaga ayaa qaaday Heesta Qaranka iyo Jennifer Lopez oo ku heesay xulasho muusiga Maraykanka, iyadoo  ay ka mid ahaayeen ereyadii heesta “Dhulkan waa Dhulkiina” iyo ” Maraykanka quruxda badan. ”

Madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence, oo ku sugnaa Capitol markii ay weerareen taageerayaasha Trump horaantii bishaan,  isla markaana ka hogaaminayay shahaadada natiijada doorashada, iyo marwadiisa Karen Pence ayaa kaqayb galay caleema saarka, waxaana furitaanku u taagan yahay sacabka labada xisbi. Madaxweyne kuxigeenka imanayay Kamala Harris iyo kuxigeenkiisa xilka kasii degaya iyo lamaanayaashooda  ayaa wadaagay qosol iyo sheeko gaaban.

Gabadh yar oo magaceedu yahay,  Amanda Gorman oo ka hadlaysay xafladda, ayaa tirisay gabaygii ugu horreeyay ee abwaanad dhalinyaro ah, waxay tirisay gabay ka hadlaya kala-goynta qaybaha bulshada oo ay diyaarisay habeenkii ay taageerayaasha Trump weerareen Capitol.

Gorman ayaa ku tidhi, “Si uun baan u cimilo nahay oo aan markhaati ka nahay umad aan jabin, laakiin si fudud aan loo dhameystirin.” “Waxaan aragnay xoog burburin kara qarankeena halkii aan wax la wadaagi lahayn.  Waxaa Burburi lahaa dalkeena haddii ay la micno tahay dib udhac dimuqraadiyadeed. Dadaalkaasina aad buu ugu dhawaaday inuu guuleysto. Laakiin inkasta oo dimuqraadiyada ay xilliyo dib u dhici karto, weligeed si joogto ah looma adkaan karo.”

By Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Email: Jaamac132@gmail.com