Araweelo News Network.

Midawga Yurub Oo Ka Hadlay Masiibada

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Cairo(ANN)- Xayiraadii gacanka Suez Canal oo ah Marinka Ganacsiga aduunka ee ahmiyada weyn u leh dhaqaalaha iyo isu socodka aduunka ee socdkaa waqooyiga ilaa koonfur ee isku xidhaa Badda Mediterranean iyo Badda Cas, ayaa sababay dhimashada 200,000 oo neef oo Lo ah

 

Xoollaha oo la doonay in ay gaadhaan gacanka Beershiya shan maalmood ka hor, ayaa muddo toddobaad ah ku xayirnaa halkaa, kadib markii uu xidhay Marakabka Ever Given oo ugu danbayntii laga qaaday halkaa toddobaad kadib.

Lix iyo toban markab oo siday xoollaha nool ee ay kasoo qaadeen Midowga Yurub oo usii jeeday gacanka Beershiya ayaa ka mid ah kuwa ku xayirnaa Suez Canal.

.

Dhinaca kale, Ilaa 130,000 oo ka mid ah xoollaha nool ee laga soo raray Romania ayaa ku sugan xaalad gaar ah oo xun, sida ay ku warramayso EU Observer, maadaama ay ahayd inay gaadhaan Gacanka Beershiya shan maalmood ka hor.

 

Qiyaastii 200, 000, ayaa laga yaabaa inay dhintaan muddadii ku xiyirnaayeen Suez Canal iyaga oo aan haysan cunto ku filan iyo biyo ay ku siiyaan Maraakiibta siday inta ka hadhay safarka ee ay ku sugnaayeen halkaa.

 

Gabrile Paun, agaasimaha EU-da ee NGO-ga Animals International, ayaa sheegay in masiibada ugu darran ee bini’aadamnimada ee Badda ay tahay mid aan laga fursan karin.

 

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii Ever Given oo ah markabkii ugu dheeraa Maraakiibta qaada xamuulka ee dunida oo cabirka dhererkiisu gaadhayo 400 ee mitir uu gebi ahaanba xidhay qararka Suez Canal, isaga oo xannibay ilaa 400 oo markab oo ay u qorshaysnayd in ay ka gudbaan gacanka.

 

Ever Given, ayaa dib looga samata bixiyay halkaa Isniintii, Sharciga Midowga Yurub wuxuu dhigayaa in maraakiibta sida xoollaha nool ay u baahan yihiin inay qaadaan 25 boqolkiiba cunno ka badan inta ay ugu baahan yihiin safarka,  laakiin sida ay qabaan dadka u ololeeya daryeelka xayawaanka, tani marar dhif ah ayey dhacdaa.

Sidoo kale cunto yari iyo fuuqbax, ayaa haleelay qaar badan oo ka mid ah xoollaha oo aan fursad u lahayn in ay fadhiistaan sabata gaadiidka lagu soo raray awgood,, isla markaana Maraakiibtu awood uma laha in ay tuuraan xoollaha bakhtiyay.

Suez Canal: Marinkii Ugu Muhiimsanaa Ganasiga Dunida Wallaaca Ka Dhashay Guuldarada Dunida Iyo Rajaxumada Laga Muujiyay

Maamulka Dalka Romania ee kormeeraya dhoofinta xoollaha nool ayaa sheegay in cunno iyo biyo ku filan markabka dushiisa ay saarnaayeen, laakiin Paun ayaa sheegtay in masuuliyiintu aannay aqbali doonin in kumanaan kun oo xoollo ah ay ku dhimanayaan markabka marki sharciga EU-da aannu u baahnayn inay ku doodaan way dhacday arrintaasi.

 

Romania waxay leedahay taariikh khaas ah oo rikoor xumo ah kadib markay buuxin weyday shurruudaha safarka xoollaha nool ee ay dhoofiso. Sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 14,000 oo Ido ah ayaa dhintey markii uu markab ku qalibmey xeebta Badda Madow.

 

Markabka siday Idaha heerkulka guddihiisa ayaa dhaafey 60 darajo Celsius ahaan, waxayna taasi sababtay in ay ka dhashaan baaqyo ku waajahan in la mamnuuco dhoofinta xoollaha nool ee dalkaa.

Markabka  Ever Given, waxa la sameeyay saddex sannadood ka hor, xilligaa oo ahayd 2018, Shirkadda Imabari Shipbuilding.  Wuxuu ku jiraa 13 Markab oo ah kuwa aduunka ugu waaweyn ee qaatada xamuulka.

Shirkadda Shoei Kisen, ayaa leh  Ever Givensida laga soo xigtay madaxa shirkada, Yukito Higaki. Markabka ayaa ku gooshaa Calanka Panama.

Ever Given ayaa dhererkiisa lagu sheegay in uu yahay 400 mitir,  halka balackiisuna yahay 59 mitir, wuxuuna leeyahay awood ka badan 20,388 konteenar, wallaw loo diiwaangeliyay shirkadda samaysay 2018, in uu qaado 20, 000, Konteenar.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com