Araweelo News Network.

Ankara(ANN)- Xukuumadda Dalka Turkiga, ayaa ku dhawaaqay in lagu soo rogay karantiin muddo 14 maalmood ah dadka ka imanaya sideed dal, tallaabadaa oo qayb ka ah taxadirka iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus oo si weyn dunida looga baqayo inuu ku faafo mawjada saddexaad ee dalka Inida galaalaftay bilhii lasoo dhaafay.

Sida lagu xaqiijiyay bayaan ay soo saartay shirkadda Diyaaradda Turkish Airlines maanta, waxay ku sheegtay in go’aanka ay ku jiraan dadka ka imanaya dalalka , Afghanistan, Bangladesh, Brazil, South Africa, India, Nepal, Pakistan iyo Sri Lanka.

Qoraalka waxaa lagu muujiyay in dadka jooga sideedaa dal ee la xusay, isla markaana ku sugnaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay looga baahan doono inay soo gudbiyaan warbixin cadaynaysa in aanay qabin oo ay ka fayaw yihiin cudurka loo yaqaan Coronavirus,  waraaqaha cadaymaha oo dhacaya muddo 72 saacadood ah laga bilaabo taariikhda imaatinkooda ilaa Turkiga, waxaana lagu soo rogi doonaa markaa kadib Karantiin 14 maalmood ah, iyadoo lagu hayn doono meelaha ay go’aamiyaan dowladaha Turkiga oo ay ku sugnaanayaan ilaa xaalladooda caafimaad la hubiyo.

Dhinaca Turkiga ayaa sheegay in dadka imanaya Turkiga ee ka baxsan 8-daas dal looga baahan yahay in ay heleen tallaalka ugu yaraan 14 maalmood ka hor socdaalka dalka Turkiga, ama uu ku dhacay fayrasku lixdii bilood ee la soo dhaafay, sidaa awgeed looga baah yahay inay soo bandhigaan warbixin caddaynaysa in aannu wax saamayn ah ku yeelan cuddurka Coronavirus, kuwaas oo marka lagu qanco cadaymaha warbixinahooda aannay jiri doonin wax karantiin ah.

Bayaanka ayaa kusoo beegmay kadib maanta oo Salaasa ah, markii Goor sii horeysay oo maanta ah, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku dhawaaqay tallaabooyin lagu soo celinayo noloshii caadiga ahayd eeTurkiga, laga bilaabo maanta 1 Jun 2021, (Salaasada), taas oo lala xidhiidhinayo hoos u dhaca tirada cuddurka Coronavirus ee dalka Turkiga.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com