Araweelo News Network.

Minnesota(ANN)-Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongarayska Maraykanka, isla markaana ah haweenay asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa dhaleecayn u jeedisay maamulka Madaxweynaha Maraykanka ee xilku ka dhammaaday.

 

Dhaleecaynta Ilhan Cumar ee ku waajahan Donald Trump, ayaa timi kaddib markii uu cafis u fidiyay Afar qandaraaslayaal ah oo ka tirsan Shirkadda amniga qaabilsan Maraykanka ee Blackwater.

 

Afarta qandaraasle, ayaa lagu xukumay kaddib markii ay ku cadaatay dilkii loo haystay ee 2007, kaas oo ay u geysteen ugu yaraan 17 qof oo Ciraaqiyiin ah, iyadoo 14 ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen dad rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah. . Hase yeeshee Madaxweyne Trump oo xukunka kasii degaya, ayaa Afartaa qof u fidiyay cafis madaxweyne 22-kii December 2020, iyadoo hore loogu xukumay kaddib markii ay rasaas ku fureen Fagaaraha Nisour ee Magaalada Baghdad 16-kii September 2007,  dhacdadaas oo sababtay fadeexad caalami ah oo ku saabsan joogitaanka Maraykanka ee dalka Ciraaq. “

 

Sanadkii 2001,  Afar qandaraaslayaan Blackwater ka tirsan, ayaa rasas ku furay isgoyska dadka ku badan yihiin ee Magaalada Baghdad, halkaas oo ay ku dileen 14 1of oo rayid oo reer Ciraaq ahaa, Cafiska uu Madaxweyne Trump u fidiyay Afarta Ilaaliye wuxuu ahaa fal laga xumaado ayay tidhi” Ilhan Cumar. Waxay ku tilmaantay go’aanka mid sharaf-dhac ku ah Maraykanka, iyadoo tidhi, “go’aanka waa mid sharaf dhac ku ah dalka maraykanka iyo ku dhaqanka sharciga”.

Ilhan Cumar oo caan ku ah dhaleecaynta siyaasada Trump, isla markaana laf-dhuun-gashay ku noqotay siyaasadiisa, ayaa kasoo jeeda xisbiga Dumuqraadiga ee Maraykanka, waaana Wakiil laga soo doorto degmada shanaad ee kongareeska Minnesota, waxayna marar badan dhanka warbaahinta isu mariyeen Madaxweynaha Maraykanka Trump, isagoo si shaqsi ah u weerraray marar hore, isla markaana ku tilmaamay qof qoxooti ku yimi Maraykanka oo Soomaali ah oo aan xaq u lahayn inuu ka hadlo siyaasada, balse taasi kama dhigin Xildhibaan Ilhan Omar inay la gabato afkaarteeda.