Araweelo News Network.

“Koonfurta Marakaynu Isku Biiray Ma Lahayn Ciidan Millateri,” Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani

Hargeysa(ANN)-Xuska Sanad Guurada 27-aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ku beegnayd ayaa si weyn looga xusay dhamaan gobolada dalka, isla markaana ciidanka qaranku ku soo bandhigeen waxii u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo qorshadooda sannadkan cusub ee 2021.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo khudbad ka jeediyey xuskii sannadguurada 27aad ee aasaaska ciidanka ayaa sheegay in ciidanku fuliyeen 95% waajibaadkii ay u xilsaarnaayeen, marwalbana diyaar u yihiin ilaalinta nabadgelyada shacabka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka, 2 Feb 2021, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka, 2 Feb 2021, Araweelo News Network.

Taliye nuux oo dib u jaleecaya taariikhdii Somaliland ee 60-kii ayaa ka sheekeeyey noocyada ciidamada ayaa yidhi, “60-kii ciidanka milateriga waxa la odhan jiray Somaliland Scouts, inkastoo aqoontooda dhinaca farta iyo qalabka aanay wanaagsanayn, haddana waxay ahaayeen ciidan caafimaad-qaba, maskax-furan oojidhkoodu dhisan yahay, waxii loo sheegana qabsan kara.

Qolada Koonfureed ma lahayn ciidan millateri waxay lahaayeen ciidan booliis ah, midowgeenii waxuu keenay inay booliiskoodi ciidan ka soo wareejiyaan, ka dibna ciidamadeenii halkan joogay inta la qaaday macalimiin tababar u noqdaan. Ereybixinta gaardiga ciidamada loo isticmaalo ciidankii Somaliland scouts ayaa u sameeyey koonfur.

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux oo ka hadlayey xaqdaradii Somaliland kala kulantay midowgii Koonfurta ayaa yidhi, “Markii aynu isku darsannay, ciidankii Scouts-ka saraakiishoodii baa cidla loo tuuray, ciidankoodii baa laga maarmay, waxbadan ayaa innagu dhacay. Markii dawladii Siyaad-barre jabhadahii ka guulaysteen, waxa la burburay ciidankii xooga dalka Soomaaliya la odhan jiray.

Alt; Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka, 2 Feb 2021, Araweelo News Network.

Mar uu ka hadlayey qaabkii Somaliland dib ula soo noqdeen xornimadeedii ayuu yidhi Taliye Nuux, “Markii dawladii soomaaliya burburtay, waxaynu la soo noqonay xornimadeenii, markii jabhadii SNM ku guulaysatay xorreynta dalka, waxa bilaabmay in ciidamadii soo dagaalamay qolo walba deegaankooda tagto oo ciidan-beeleedyo samaysmeen.

Taliye Nuux oo ka hadlayey qaabkii loo yagleelay Qaranimadda Somaliland ayaa yidhi, “shirkii lagu dhisayey dawladii labaad ee Somaliland yeelato, oo madaxweyne ka noqday 1993-gii Marxuum AHN Maxamed X.Ibraahim Cigaal & Madaxweyne-xigeen ka noqday Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Wasiirka Daakhliga ka noqday Madaxweynaha JSL ee wakhtigan Md Muuse Biixi Cabdi, dawladii Boorama lagu soo dhisay waxay bilowday abuuritaanka ciidan nabadgelyada suga.

Ciidanka la samaynayo waxa la go’aansaday inay noqdaan 500 oo lagu saleeyey saamigii beelahu ku lahaayeen guurtida, isu-keenida ciidamadaasi culaysyo farabadan ayey lahayd iyo khataro badan ayey lahayd, waxaana garanaya Madaxweynaha xilligan jooga iyo Wasiirka daakhliga oo ragii ciidamadaa hogaamiyey ka mid ahaa, waa loo dhabar-adaygay, sida ayey sannadkii 1994-tii ku abuurantay guutadii koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL.

Taliye Nuux oo faahfaahin ka bixinayey nidaamkii guutadii koowaad ee Ciidanka qaranka loo sii balaadhiyey xirfadeeda ayaa yidhi, “Guutadii koowaad ee la sameeyey waxa lagu dedaalay inay laga sii tayeeyo dhinaca tababarka, waxaana la abuuray dugsiyo tababar, oo ugu horeeyey dugsiga Goraya-Cawl, markii la geeyey labadii guuto ugu horeeyey Ciidanka Qaranka dugsiga tababarka Goraya-cawl, badh baa la waayey, maadama ay ku cusbayd.

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux oo sharaxaad ka bixinayey waajibaadka ciidanka qaranka saran ayaa yidhi, “Waajibaadka ciidanka Qaranku waa ilaalinta Madaxbanaanida Qaranimadda JSL, Dalkeeda, Dadkeeda iyo dawladnimadeeda. Waxa kaloo ka mid ah taageerida Ciidamada kale marka ay amniga sugayaan hadii ay garab nooga baahdaan. Waxa waajib naga saran yahay taageerida shacabka marka xaalado degdeg ah yimaadaan.

Mar uu ka hadlayey Taliye Nuux noocyada tababarka sannadkii la soo dhaafay ciidamada qaranku soo qaateen ayaa yidhi, “Sannadkii la soo dhaafay dugsiyada tababarka Sheekh iyo Darar-weyne laba xilli ayaa dhiboo cusub ka baxeen. Kuliyadda Saraakiisha Cabdullaahi Askar waxa ka baxay saraakiil aad Madaxweyne adigu u soo xidhay. Waxa dugsiga Darar-weyne ku jira dhiboo cusub, kuliyada Cabdullaahi Askar waxa ku jira saraakiil laba sannadood Itoobiya soo dhamaystay, imikana sannad ku jira. Dugsiga Harag-waafi ee saraakiil-xigeenka waxa ku jira 172 saraakiil-xigeen oo dhamaan gobolada laga keenay, maadama saraakiil-xigeenku yahay lafdhabarka ciidanka.

Mar uu ka hadlayey tababarada dibedda ayuu yidhi Taliye Nuux, “Waxaan sannadkan tababar u dirnay, horena u joogay 71 sarkaal iyo sarkaal-xigeen, waxa soo dhamaystay 34, waxa ku maqan 37 isugu jira dhakhtaro, injineero.

Dhinaca dhismayaasha cusub ee ciidanka qaranka mar uu ka hadlayey Taliyaha Ciidanka Qaranka ayuu yidhi “ Madaxweyne waxaan xerada Bir-jeex ka rarnay 1500 oo qoys, oo xerada ciidanka degenaa, waxaan uga mahadcelinayaa Wasiirada Daakhiliga iyo Hawlaha-guud, Maayarka iyo ku xigeenka oo aad waxa noogala qabtay. Qeybta Burco waxaan ka saarnay 270 qoys, waxaana laga dhisay saddex dhisme miiska saraakiisha Burco lagu kordhiyey, oo sidaan ugu bixinay miiska saraakiisha Hargeysa Mujaahid Ibraahim Koodbuur, sidaad nagula talisay, aan miiska saraakiisha burco-na ugu bixino magac laga tashado.  Ceerigaabo waxaan ka dhisnay guri dabaq ah oo jiif iyo xafiisyo noo ah, maadama marka kormeer lagu tago aanan hudheel degi Karin, inaan samaysanno saldhig.

Mar uu ka hadlayey hawl-gallada ciidanka qaranku fuliyeen sannadkii la soo dhaafay ayuu yidhi, “Waxaan ka hawlgalay shqaaqooyinkii Adhi-cadeeye iyo Jiidali beelaha dhexmaray oo mudo afar bilood nagu qaadatay kala-badbaadinta beelahaa. Diiwaangelintii dhowaan dhacday sideed guuto oo ciidanka Qaranka ah ayaa ka qeybqaatay hirgelinteeda oo nabad ku soo dhamaatay Ilaahay mahadii, marka laga reebo waxii ciidanka gudaha ku kabnay.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in sannadkii hore gaadiid badan ay heleen, taasoo Madaxweynahu gacan ka geystay, gaadiidkii horena dayactir ayaa lagu sameeyey, gaadiid badan oo miisaaniyada sannadkan ugu jira inuu u yimaado rajeynaynaa. Dhinaca caafimaadka intii Madaxweynahu ka caawiyey mooyee 16 ayaa dibeda loo diray.

Taliye Nuux ayaa bogaadiyey wada shaqeynta u dhexeysa Wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud iyo Gudoomiyaha Baanka, Maayorka & ku-xigeenkiisa. Waxuu sidoo kale amaan u jeediyey Maareeyaha Wakaalada biyaha oo u sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay sidii xerada Birjeex looga badbaadin lahaa dooxa, isagoo qalabkiisa iyo injineeradiisa ka hawgeliyey, waxaanu ballanqaaday Taliyaha Ciidanka Qaranka inay bilad sharaf siin doonaan, kana codsaday Madaxweynaha JSL ka codsaday in Maareeyaha Wakaalada Biyaha in bilad sharaf lagu maamuuso hawsha qaran ee uu ciidanka qaranka u qabtay.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in Madaxweynaha JSL dalacaad siiyey  5400 saraakiil-xigeen iyo askar ah.