Araweelo News Network.

 

Taipei(ANN)-Maamulka Taipei ee Taiwan,  ayaa sheegay in diyaaraddaha dagaalka ee Shiinaha oo ay ku jiraan kuwa wax duqeeya ee H-6K ee nukliyeerka ah iyo Afar diyaaradood oo ka mid ah kuwa dagaalka ee noocoodu yahay J-16 ay galeen hawadooda.

 

Diyaaraddaha wax duqeeya ee Nukliyeerka iyo kuwa dagaalka ee Shiinaha, waxay soo galeen geesta koonfur-galbeed ee aaga aqoonsiga difaaca cirka ee Taiwan Sabtidii maanta,  iyadoo ciidamada cirka ee Taiwan ay gantaalo u gureen halkaa si ay u kormeeraan duulaanka ballaadhan ee lagu soo qaaday. Sida ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee ciidamada Cirka Taiwan, ayaa u digtay diyaaraddaha Shiinaha.

 

Wasaaradda Difaaca, waxa ay warbixin kooban oo k hadlay arrintaa ku sheegtay in howlaha foojignaanta hawada loo xilsaaray, digniino laga soo saaray raadiyaha iyadoo nidaamyada gantaalada difaaca hawada oo la geeyay halkaa si loola socdo dhaqdhaqaaqa.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli saddex maalmood  laga joogo marrkii loo dhaariyay dalka Maraykanka Madaxweynaha cusub Joe Biden, waxaana jirtay in qoraal ay heshay shebekaddaha Araweelo News Network oo ay daabacday Wed, Aug 19th, 2020 lagu sheegay in Shiinuhu qorshaynayo inuu muddo saddex maalmood ah ku qabsanayo Taiwan.

Shebekaddaha Araweelo News Network oo soo xigganaya qoraal uu daabacday Machadka Naval ee Maraykanka, oo ay shaaciyeen xilligaa Agaasime kuxigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka (CIA) Michael Morell iyo Admiral James Winnefeld ayaa ka digayay in hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping uu Taiwan ku soo celin doono Shiinaha marka la gaadho badhtamaha January 2021 .

Xilliga hawlgalka Shiinuhu dhacayo ayay sheegeen in wadamada reer Galbeedku ay ku mashquulsan yihiin doorashadii Maraykanka iyo faafida xannuunka COVID-19 ee socota, waxayna ku tilmaameen qorshaha Shiinaha mid ay rumaysan yihiin in hawlgalkiisa muddo saddex maalmood oo keliya ah lagu dhammayn doono

Morell iyo Winnefeld waxay maqaalka ku saadaalinayeen xilligaa in hawlgalku si dhakhso ah u furmi doono, laga bilaabo fiidkii 18 Januar ka hor caleemo-saarkii madaxweynaha Maraykanka, balse waxa muuqata in hawlgalku dib uga dhacay wax ka yar todobaad xilligii la filayay.

 

Shiinaha,ayaa ku andacoonaya in Taiwan tahay dhulkiisa oo ay ka mid tahay dhulweynaha Shiinaha, wuxuuna xilligan duullimaadyo maalinle ah ka sameeysay biyaha u dhexeeya qaybta koonfureed ee Taiwan iyo Jasiiradaha Pratas ee ay Taiwan maamusho ee ku teedsan Koonfurta Shiinaha bilihii ugu dambeeyay, waxayna diyaaraddahan oo ka koobnaa mid ama laba diyaaradood u muuqdeen kuwo sahamin ah.

Balse Taiwan waxay sheegtay in joogitaanka diyaaraddo dagaal oo aad u tiro badan oo Shiinuhu leeyahay oo ku wajahan howlgalkan aannu jirin, iyadoo Taiwan ku sheegtay inuu ka kooban yahay sideed diyaaradood oo nooca loo yaqaan H-6K ee xanbaara bambooyinka nukliyeerka iyo afar diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ee loo yaqaan J-16, kuwaas oo ahaa kuwo qayral caadi ah.

 

Khariidad ay soo bandhigtay wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa muujisay in diyaaradda Shiinaha oo ay ku jiraan diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Y-8, ay dul martay isla biyahii ay ka dhaceen hawlgaladii ugu dambeeyay ee shiinuhu ka qabtay meel u dhow jasiiradaha Pratas, inkasta oo ay weli aad uga fog tahay dhul weynaha Taiwan.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Shiinaha. Iyadoo xilliyo hore Shiinuhu sheegay inuu waday dhoolatusyo lagu difaacayo madax-bannaanida iyo amniga waddanka.

US officials say China could take Taiwan in 3 days in early 2021

Xukuumadda Beijing waxay aragtaa walaac sii kordhaya, maadaama oo ay sii kordhayso taageerada Maraykanka ee dimoqraadiyada Taiwan, gaar ahaan xilligii maamulkii Donald Trump oo xafiiska ka tagay Arbacadii todobaadkan.

Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa booqashooyin isdaba joog ah ku tegey  Taipei, diyaaraddaha Shiinaha ayaa si kooban uga gudbay khadka dhexe ee marinka Taiwan, kaas oo caadiyan u shaqeeya, walaw aannu ahayn mid rasmi ah.

Somaliland: Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi La Qaatay Safiirka Taiwan

Duulimaadkii diyaaraddaha Shiinaha ee Sabtidii ayaa la arkay maalmo kaddib markii Joe Biden uu qabtay xilka madaxweynaha Mareykanka, waxaana munaasibada caleemo-saarka ka qaybgashay Hsiao Bi-khim oo safiirka Taiwan.

Emily Horne, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa dhankeeda sheegtay in ballanqaadka Maraykanka ee Taiwan uu ahaa dhagax adag, isla markaana safiirka dhabta ah ee Washington, DC, Hsiao Bi-khim, ay ka qayb gashay xafladda dhaarinta Biden.