Araweelo News Network.

#Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Murrashaxnimada Gollaha Wakiiladda Ee Garyaqaan Barkhad Batuun Oo Xisbiga WADDANI Ah

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa taageeray Afhayeeka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Garyaqaan Barkhad jaamac Batuun oo ka mid ah Murrashaxiinta gollaha wakiilada Somaliland ee Magaalada Hargeysa uga sharaxan Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

 

Eng. Faysal , ayaa sheegay in Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun oo sida uu sheegay soo wada maray saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo uu xilligan ka yahay murrashax ay soo dhwaynayaan, isla markaana ku taliyeen walaw aannu xisbigooda ka sharaxnayn in aan waxba laga daba rarin ee loo daayo.

Halkan Ka Daawo Eng. Faysal oo arrinta Murrashaxnimada Garyaqaan Barkhad Ka Hadlaya.