Araweelo News Network.

“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaad ayaa lagu qasbay inay doortaan xulashooyin aan macquul ahayn, Laydh, Biyo iyo Dawooyin midna ma jirin”  Patrick Youssef.

Addis Ababa(ANN)-Shixnadii u horaysay ee gargaar caafimaad ayaa loo diray gobolka Tigray ee dalka Ethiopia oo xaaladdo ban oo ka baxsan bini’aadanimada ka jireen tan iyo markii dagaalada u dhexeeya ciidanka dawladda Federaalka iyo jabhada xoraynta dadka Tigray ee TPLF, halkaa isku hirdiyeen horaantii November.

Xarumaha daryeelka caafimaadka ee kuyaala halkaas ayaa noqday kuwa curyaamay kadib markii dawooyin iyo waxyaabo aasaasi u ah sida galoofisyada qalliinka ay dhamaadeen, isla markaana hay’addaha gargaarku awooddi waayeen in sahay gargaar loo diro, iyadoo xaaladda ka jirta halkaa si weyn looga dayrinayay, isla markaana xukuumaddu diiday in ay gudbaan hay;addaha gargaarku, iyadoo isgaadhsiinta, telefoonada, internetka iyo gebi ahaan adeegyada aasaasiga ah ee Laydhka iyo Biyuhu ka maqanaayeen gobolka Tigray oo xukuumaddu sheegtay inay qabsatay, balse  ay dagaalo ka soconayaan weli meelaha qaar.

Shixnada gargaarka ayaa noqonay tii ugu horreeyay ee caalami ah ee gaadha magaalada Mekelle tan iyo markii ay dagaallada ka qarxeen gobolka Tigray oo go’doon ku jiray muddo ka baddan bil.

“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaad ayaa lagu qasbay inay doortaan xulashooyin aan macquul ahayn oo ah adeegyada ay sii wadaan, iyo adeegyada ay jarayaan, kadib todobaadyo ay ka maqnaayeen sahay cusub oo aannay helin, biyo socda oo aan jirin, iyo laydhka oo ka maqnaa” sidaa waxa yidhi, Patrick Youssef, oo ka tirsan Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas ee (ICRC), isla markaana ah agaasimaha gobolka ee Afrika.

Patrick Youssef, wuxuu hadalkaa sheegay kadib booqasho uu ku tagay Addis Ababa, si Shixnado dawooyin oo ahaa kuwii u horeeyay loogu diro halkaa gobolka Tigray, wuxuuna sheeegay in sahayda  caafimaad ay ku ku dari doonnaan keyd cusub, isla markaana caawin doonto bukaanada, sidoo kalena ay yarayn doonto go’aamada kala soocidda nolosha ama dhimashada ee aan macquul ahayn ee ka jira halkaa sida uu sheegay Patrick.

Shuxnada ayaa ah kolanyo Toddobada baabuur oo Laanqayrta Cas ay dirtay, kuwaas oo sida daawooyin iyo sahay sida shixnado dawooyin ah oo ku daryeelaan in ka badan 400 oo bukaanno dhaawac ah iyo sidoo kale waxyaabo loo baahan yahay in lagu daaweeyo xaaladdaha caafimaad ee joogtada ah iyo kuwa aan  joogtada ahayn. Qalabkan waxaa loogu deeqi doonaa cusbitaalka Ayder, Xafiiska Caafimaadka Gobolka, iyo farmasiga ERCS ee magaalada Mekelle. Sida uu sheegay Patrick.

Sraakiisha ICRC ee magaalada Mekelle waxay ka shaqaynayeen sidii shidaalka Cusbitaalka ay u heli lahaayeen mishiinada Laydhka  iyo sidoo kale biyo, maadaama ay dhammaan ka maqan yihiin halkaa adeegyadii aasaasig ahaa, ayuu raaciyay.

Cusbitaalka Ayder ayaa xidhay qaybtiisa daryeelka deg-degga ah iyo tiyaatarka qalliinka Dabayaaqadii Nofeembar, sababo la xidhiidha, iyadoo aannay jirin sahay caafimaad iyo shidaal, isla markaana  ay waayeen laydhka, maadaama ay qaybahaasi ay ku tiirsan yihiin Laydhka ooh awl wadeenadu awoodi waayeen inay gargaar caafimaad u fidiyaan dadka soo gaadhayay ee kusoo qulqulaya ee ay sababeen dagaallada.

Sidoo kale wuxuu awoodi waayay cusbitaalku inuu bixiyo daryeel caafimaad oo joogto ah iyo baahiyo caafimaad oo joogto ah, oo ay ku jiraan adeegyada ay bukaanku u baahan yihiin ee macaanka, kaadi-sifaynta, iyo adeegyada dhalmada ee gargaarka haweenka, iyadoo ay halkaa ku nool yihiin dad gaadhaya  500,000, kuwaas oo gebi ahaanba wax adeeg ah ka waayay cusbutaalka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka ee Ethiopia,  ayaa sidoo kale maanta qalab caafimaad gaadhsiisay xarumaha caafimaadka ee magaalada Mekelle.

 

“Alaabtu waxay isbeddel deg-deg ah oo badbaadin ah ku samayn doontaa dadka maanta tagaya iyaga oo aan helin daryeel caafimaad,” ayuu yidhi, Youssef. Waxaan filaynaa in xarumo badan oo daryeel caafimaad oo ku yaala gobolka Tigray ay wajahayaan caqabado lamid ah kuwa uu waajahay cusbitaalka Ayder waxayna si deg deg ah ugu baahanyihiin taageero.

Kolonyada Laanqayrta Cas ee gaadhay mekelle, ayaa sidoo kale sida  bustayaal, teendhooyin, weelka cuntada, dharka, saabuun, iyo shirikaamo,  kuwaas oo lagu caawin doono ilaa 1000 qoys oo guryahooda laga raray dagaalada iyo sidoo kale qalab kor loogu qaadayo helitaanka biyaha iyo fayadhowrka. Sida ay sheegtay Laanqayrta Cas.