Araweelo News Network.

Maamulka Cusub ee Maraykanka Joe Biden  Oo Ka Digay Dagaalka Gobolka Tigray Ee Dalka Ethiopia

Washington(ANN)-Xukuumadda Dalka Maraykanka ee Madaxweyne Joe Biden, ayaa dawladda Eritrea ugu baaqay in ay deg deg ugala baxdo ciidamadeeda ku jira gobolka Tigray ee gudaha dalka Ethiopia.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibedda oo email u diray wakaalada wararka ee Associated Press galinkii dambe ee talaadada, iyagoo soo xiganay warbixinno ay sheegtay in lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan bililiqo, rabshado, galmo, iyo weerarada ka dhaca xeryaha qaxootiga iyo xadgudubyada kale ee xuquuqda aadanaha.

“Waxaa sidoo kale jira cadeymo muujinaya in askarta Eritrea ay si khasab ah dib ugu celinayaan qaxootiga Eritrea ee ku sugnaa Tigray-ga kana soo jeeda Eritrea,” ayuu yidhi afhayeenka waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka.

AKHRI: Xukuumadda Ethiopia Oo Ka Hadashay Hubanti La’aanta Ra’iisal Wasaare Abiy Iyo Farriin Laga Soo Weriyay

Wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa sheegtay in Bayaanka waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanku ka tarjumayo cadaadis cusub oo maamulka Biden uu saaray dowlada Ethiopia, kaas, oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika oo ay ku nool yihiin qiyaastii 114 milyan oo qof, isla markaana oo ku yaal geeska Afrika, iyadoo dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay Tigray uu ku dhow yahay inuu socdo seddex bilood oo xidhiidh ah.

 

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa toddobaadkan  markhaatiyaal ka soo qaxay gobolka Tigray, waxay sheegay in askarta Eriteria ay dhacayaan, oo guri guri u galayaan,  iyaga oo dilaya dhalinyaro xitaa xilalka u haya maamulka deegaanka. Ereteriyaanka waxay ka dagaallamayeen dhinaca ciidamada Ethiopia,  iyagoo eryanaya hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee gobolka Tigray, walaw ay dowladda IEthiopia beenisay marar badan jiritaanka askarta Eritrea inay qayb ka yihiin dagaalka.

#Ethiopia: Farriin Laga Soo Weriyay Ra’iisal Wasaare Abiy Iyo Xisbigiisa Oo Ka Hadlay Wararka Laysla dhexmarayo

Ma cadda in Maraykanku uu dalabkiisa toos ugala hadlay saraakiisha Eriteria, isla markaana Xafiiska ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaan ka jawaabin arrintan. Bayaanka cusub ee Maraykanka wuxuu ku baaqayaa in baaritaan madax banaan oo hufan lagu sameeyo xadgudubyada la sheegay. “Wali ma cadda tirada askarta Eriteriya ee ku sugan Tigray, ama si sax ah meesha ay ku sugan yihiin,” ayaa lagu yidhi, warbixinta waaxda arrimaha dibedda Maraylkanka.

 

Goob joogayaasha ayaa ku qiyaasay in askarta Eriteria ay gaadhayaan kumanaan, balse Saraakiisha Eritrea ayaan ka jawaabin su’aalaha la weydiiyay. Wasiirka warfaafinta ee Ereteriya, oo ah mid ka mid ah wadamada ugu sirta badan caalamka, ayaa toddobaadkan bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “ololaha sumcad xumada ah ee ka dhanka ah Ereteria ayaa mar kale soo kordhaya.” sida ay daabacday wakaaladda wararka ee AP.

 

Maraykanku wuxuu kaloo doonayaa inuu si deg deg ah u joojiyo dagaalka ka socda Tigray iyo  in la helo marin bini’aadanimo oo buuxa,, kaas oo ah mid nabadgalyo ah oo aan laga hor istaagi karin” gobolka, oo inta badan ka go’ay adduunka dibadiisa, iyadoo ciidamada Ethiopia ay inta badan la socdaan gargaarka.

Waxaan si aad ah uga walaacsannahay warbixinno lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in boqolaal kun oo qof ay macaluul u dhiman karaan haddii aan gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah aan si dhaqso leh loo abaabulin, loo gaadhsiin gobolka Tigray ayaa lagu yidhii bayaanka oo sidoo kale lagu sheegay in dawladda Ethiopia diiday in dhexdhexaadin iyo wada hadal lagu dhameeyo arrinta oo lala xaajoodo hoggaamiyayaashii Tigray.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambaysay ee bani’aadamnimo waxay ku sheegtay inay heleyso warbixinno ku saabsan “gaajo sii kordheysa” oo ka jirta gobolka Tigray-ga waxayna xustay “helitaan la’aanta cunno la’aanta ah” maaddaama beeraley badan oo ku nool gobolka beeraleyda badankoodu ay waayeen dalaggii dagaalka dartii, sidoo kale, waxay sheegeen in la waayay  shaqaale muhiim ah oo beeraha ka shaqaeeya ”si kor loogu qaado waxqabadka bani’aadamnimada sidoo kale gobolka aannay gaadhi karin Gaadiidka, korontada, bangiyada iyo dhammaan xidhiidhada kale  oo aan weli dib loo soo celin inta badan gobolka, walaw cusbitaalada ay ,78%  wali shaqeynayaan.” ayay tidhi qaramada midoobay.