Araweelo News Network.

#UN Oo Ka Digtay Macaluusha Gobolka Tigray  Iyo Haweenayda Madaxweynaha Ethiopia Oo Qirtay Dhibaatada

#Mekelle(ANN)-Xaaladda gobolka #Tigray ee dalka #Ethiopia, ayaa weli ku jirta walaac iyo cabsi weyn oo dhanka bini’aadanimada a, iyadoo kumanaan qof oo u qaxay dhulka Miyiga iyo Buuralayda laga dayrinayo noloshooda, kuwaas oo aan haysan wax gargaar ah.

Warbixin cusub oo saacadihii u danbeeyay ay soo saareen Hay’addaha gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca Ethiopia ay sii wadaan qabsashada Cusbitaal  ku yaal magaalada Abi Adi, iyagoo ka hor istaagaya ilaa 500,000 oo qof inay helaan adeegyada caafimaadka ee gobolka, isla markaana nidaamka caafimaadka uu inta badan ku burburay oo ay sababeen bililiqo iyo rasaasta madaafiicda ee dagaalka dhawrka bilood ka socday gobolka.

Qayladhaanta ka imanaysa gobolka Tigray ayaa ka soo kordhaysa, halkaas oo qiyaastii 6 milyan oo qof ku nool yihiin, isla markaana sida la soo sheegayo dagaalku u kulul yahay sidii uu ahaa bilawgii markii uu halkaa ka bilaabmay dagaalkii u dhhexeeyey ciidamada Ethiopia iyo kuwa xulafada la ah oo ay kasoo horjeedaan malayshiyada taageera hogaamiyayaasha hadda baxsadka ah ee Tigray ee TPLF, oo  muddo soddon sannadood ku dhow xukumayay Ethiopia oo ay ka hirgeliyeen nidaam Federaal ah.

Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalka Ethiopia, Sahle-Work Zewde oo booqasho  ku tagtay gobolka Tigray, ayaa ka xishootay in ay xaaladda ja been sheegto, waxyana iyadoo ka hadlaysa xaaladda gobolka tidhi, “Baahidu waa mid aad u weyn, laakiin iskama dhigi karno inaynaan arkin ama maqal waxa socda,” ayay madaxweynaha Ethiopia,  waxay sidaa ku tidhi hadal ay soo saartay kaddib markii ay booqatay caasimada Tigray, Mekele.

Waxay sheegtay in dib u dhacyo muhiim ah oo weli ku hadhay gaadhitaanka dadka u baahan ay jiraan.

Wallaw xukuumadda Ethiopia jimcihii sheegtay in gargaarka bini’aadanimo uu gaadhay qiyaastii  2.7 milyan oo qof oo ku nool Tigray, balse hay’addaha gargaarka noqon kuwa ka markhaati noqda in tiro intaas leeg la gaadhsiiyay gargaar.

Qaramada Midoobay ayaa ugu yeedhay jawaabta hadda jirta ee gargaarka mid aad u liidata, in kasta  oo xoogaa horumar ah laga sameeyay meelo cayiman.

Warbixinta, ayaa sheegay in  80 boqolkiiba aan dadka weli la gaadhsiin karin gargaar, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas ee Ethiopia horaantii bishan, cabsida ayaa sii kordhaysa oo ah in dad badan ay macaluul u dhinteen.

“Toddobaadyada soo socda ayaa go’aan laga gaadhayaa in laga hortago macluusha,” sidaa waxa yidhi, Xafiiska Arimaha Dibadda ee Jarmalka  oo bayaan kooban ku sheegay  toddobaadkii la soo dhaafay kadib markii uu maqlay xisaabaadka booqashada wakiilka Midowga Yurub ee Ethiopia.

Warbixinta cusub ee Qaramada Midoobay soo saartay jimcihii ayaa lagu sheegay xitaa meelaha la gaadhi karo, baadhitaan lagu sameeyay 227 caruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay muujisay nafaqo daro aad u sarreysa, inkasta oo aan la sheegin tirada kiisaska.

Waxay sidoo kale sheegaysaa warbixintu  in baadhitaanka in ka badan 3500 oo carruur ah laga helay 109 nafaqo-xumo ba’an leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa xaaladdaas ku sifaysay mid muujinaysa marka uu qofku aad u caato yahay oo uu halis ugu jiro inuu dhinto.