#Ethiopia: Farriin Laga Soo Weriyay Ra’iisal Wasaare Abiy Iyo Xisbigiisa Oo Ka Hadlay Wararka Laysla dhexmarayo

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa ka hadashay wararka maalmihii u danbeeyay sida weyn ugu faafay dunida ee la xidhiidha hubanti la’aanta halka uu ku danbeeyay geeri iyo nolol ra’iisal wasaarihii dalka Abiy Axmed oo muddo ku dhow laba todobaad aan la arkin.

 

Wararka la xidhiidha ra’iisal wasaare Abiy halka uu ku danbeeyay, ayaa qaarkood sheegayeen in loo qaaday dalka Talyaaniga, iyadoo lagu qaaday diyaarad khaas ah oo dhinaca dalka Imaaraadka Carabta kaasoo duushay todobaadkii hore, walaw aan wararkaasi wax xaqiiqo ah loo hayn sababta keentay in halkaa loo qaado, balse ay la xidhiidhiyeen inay tahay sababo caafimaad.

Sidoo kale, wararka sida weyn laysula dhexmarayay ee inta baddan lagu shaaciyay baraha bulshada, ayaa tilmaamayay inuu dhacay inqilaab hoose oo ra’iisal wasaare Abiy galaaftay, kaas oo kaga yimi dhinaca saraakiisha Amxaarada oo xilligan uu dagaalka kula jiro Tigray isku xeeray, iyadoo arrintaa wararka qaarkood la xidhiidhiyeen Demeke Mekonnen Hassen oo xilligan ah ku xigeenka ra’iisal wasaaraha, isla markaana kasoo jeeda muslinka tirada yar ee qowmiyada Amxaarada,, balse kuwo kale ayaa sheegayay in uu jiray isku day afgenbi oo aan guulaysan, laakiin xoggaha noocaas ah ayaa dhammaantood ahaa kuwo aan xaqiiqdooda wax cadaymo ah loo hayn, waxaana arrimahan sii geliyay tuhun weyn markii shaashadaha iyo baraha bulshada muddo laba todobaad ah laga waayay Abiy Axmed, iyadoo weliba dalku ku jiro xaaladdo dagaalo iyo duruufo adag.

 

Hase yeeshee, waxa markii u horaysay maanta ka hadlay arrintaa  Xisbiga uu dhowaan sameeyay ee Progressive Party, waxaana fariin kooban oo lagu shaaciyay xarunta warbaahinta Waltainfo, loogu sheegay  muwaadiniinta in ay ka taxadiraan macluumaadka baraha bulshada lagu faafiyo ee aan saxda ahayn.

 

“Madaxweynaha haatan ee xisbiga iyo dalka Ethiopia, ayaa muujiyey macluumaad been abuur ah oo la xidhiidha caafimaadka iyo amniga Dr. Abiy Ahmed. Dadku waa inay ka taxaddaraan isla wararka been abuurka ah ee mustaqbalka, “ ayaa lagu yidhi farriinta loo diray dadka Ethiopia.

Sidoo kale, waxa lagu shaaciyay farriintaa inay masuuliyadi ka saarantahay  dawlada inay shacabka uga digto wararka noocaa ah, kuwaas oo lagu macneeyay in ujeedkeeda laga leeyahay ay tahay abuurista isku dhacyo iyo faafinta warar been abuur ah, sidaa awgeed

Bulshadu waa inay baadho macluumaadka dhabta ah ee lagu sii deynayo baraha bulshada ee ku saabsan arin kasta, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dhinaca kale, waxa isla xarunta Walta lagu baahiyay qoraal koobban oo lagu sheegay inuu ra’iisal wasaare Abiy Ahmed soo dhigay bartiisa Facebook, waxaase qoraalkaa oo aan jiritaankiisa la xaqiijin karin lagu sheegay in ra’iisal wasaare Abiy ku bogaadiyay hoggaamiyaasha gobolada Oromia iyo Soomaalida shaqadooda kudayashada muddan.

 

“Abiy ayaa tilmaamay in hirgalinta nabada iyo heshiisyada horumarineed ee wadajirka ah ee lala galayo xuduudaha gudaha iyo maamulka ee gobolada ay saameyn weyn ku yeelan doonto horumarka waara ee dalka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka lagu sheegay inuu ra’iisal wasaare Abiy soo dhigay bartiisa Facebook, iyadoo ay su’aalo dareen xanbaarsan iyo doodo kale ka dhasheen qoraalka la sheegayo inuu soo dhigay ra’iisal wasaarihii aan laba todobaad la arag.

Abiy, ayaa inta baddan barta uu ku leeyahay Twitter kusoo shaacin waxyaabaha uu doonayo inuu soo gudbiyo, waxayna farriintan la sheegay in lagu shaaciyay bartiisa Facebook sii kordhisay dareen kale, walaw lagu arkay mid ka mid ah Twitter sita maaciisa oo farriin sidan ka duwan lagu shaaciyay, iyadoo ay adagtahay inta baddan madaxda isticmaala baraha bulshadda waxyaabaha lagu shaaciyo Facebook aannay ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo, sidaa awgeed ay weli su’aalo ka taagan yihiin xaaladda dhabta ah ee ra’iisal wasaare Abiy iyo halka uu ku danbeeyay.