Araweelo News Network.

#Somaliland@Birco, #Togdheer (ANN)-Saraakiisha Xisbiga #KULMIYE, ayaa shaaciyay liiska murrashaxiinta u taagan tartanka doorashada Gollaha Wakiillada ee gobolka Togdheer, kuwaas oo xisbiga ku metelaya doorashada Somaliland ee loo mudeeyay 31 May 2021.

Liiska rasmiga ah ee murrashaxiinta oo maanta la baahiyay, ayaa lagu xaqiijiyay magacyada tartamayaasha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer uga sharraxan, kuwaas oo noqonaya 15 murrashax oo u tartamaya Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, waxa liiska la shaaciyay lagu lifaaqay 13 Murrashax oo u taagan Gollaha deegaanka ee degmada Burco, kuwaas oo ah tirada loo qoondeeyay gollaha deegaanka Magaalada Burco, iyadoo xisbi walba laga doonayo tirada murrashaxiinta kuraasta loo qoondeeyay gobolka, ama degmada  ee doorashooyinka gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Balse Liiska laguma muujin degmooyinka kale ee gobolka Togdheer xubnaha kuraasta gollayaasha deegaanka ugu tartamaya xisbiga.

Liiska gobolka Togdheer ee xubnaha murrashaxiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyo golaha deegaanka ee Degmada Burco halkan ka ka akhriso.

 

Araweelo News Network.

Hargeysa Somaliland.

Info@araweelonews.com