Araweelo News Network.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland  Saleebaan Yuusuf Cali Koore Muuxuu Ka Yidhi Geerida Marxuumad Shukri Xariir

Hargeysa(ANN)- Alla ha u naxariistee Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo  xilal wasiir ku xigeen u soo qabatay qaranka, gaar ahaan wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa maanta ku geeriyootay Hargeysa.

Marxuumadda oo sidoo kale ahayd weriyayaasha magaca weyn ku lahaa Somaliland ka hor intii aannay ku biirin siyaasada, isla markaana muddo dheer kasoo shaqaysay warbaahinta qaranka Somaliland, walaw sannadihii danbe xilalka wasiir kasoo qabatay wasaaraddahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida marxuumadda, wuxuuna Madaxweye Biixi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland dhambaal tacsi ah u diray, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Allah ha u naxariistee Marxuumad Shukri Xariir.

Allah ha u xariistee Marxuumad Shukri  Xariir ismaaciil, waxay soo qabatay xilalka wasiir ku xigeen ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, waxayna  Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu, wuxuu marxuumadda ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, isla markaana door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.
Madaxweynaha Somaliland, wuxuu marxuumadda Allah uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, isagoo siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna Allah uga barayay inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo ka hadlay geerida marxuumadda, ayaa  sheegay in Marxuumaddu ay ka mid ahayd Weriyeyaashii ka hawlgalay Idaacada radio Hargaysa 40 Sanno ka hor Isla markaana ay door muhiim ah ku lahayd Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray iyadoo dhanka kalena Marxuumad Shugri Xariir ismaaciil soo noqotay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland  Saleebaan Yuusuf Cali Koore wuxuu Allah uga baryay inuu Marxuumadda Naxariistiisa jano ugu deeqo qoyskii qaraabadii iyo ehelkii ay ka baxdayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marxuumad Shugri Xariir ismaaciil Ilaahay Naxariistiisa jano ha ugu deeqee Caawa Fiidkii ayaa lagu aasay xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Hargaysa waxaana aaskeeda ka qayb galay Wasiiro ka mida Xukuumadda , Xubno ka tirsan golayaasha Qaranka, shaqaalaha iyo hawl-wadeenada wasaaradda warfaafinta iyo dad kale oo qaybaha Bulshada ah.