Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar ugu baxay dalka Ethiopia.


Qoraal saxaafeed kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, wuxuu Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame si kooban ugu sheegay in safarka Maadxweynaha iyo wefdiga la socdaa qaadan doono maalmo kooban oo aan la cayimin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ethiopia.9 Feb 2020, Araweelo News Network.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ethiopia.9 Feb 2020, Araweelo News Network.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo ku saxeexnaa qoraal saxaafeedka, ayaa ku macneeyay ujeedada safarka Madaxweynaha inuu yahay safar shaqo oo la mid ah safaradii uu hore Madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, “Madaxweynuhu wuxuu halkaa (Ethiopia) kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed” ayuu yidhi, Afhayeenku, mana sheegin hoggaamiyayaasha uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland kula kulmayo Addis Ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ethiopia.9 Feb 2020, Araweelo News Network
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ethiopia.9 Feb 2020, Araweelo News Network


Sidoo kale, waxa qoraal saxaafadeedka Afhayeenka lagu xusay in safarka Madaxweyne Biixi, xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland halkaa u joogay muddooyinkii u danbeeyey.


Madaxweyne Biixi, waxa safarkan ku weheliya xubno ka mida golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.


Lama ogga ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweynaha oo kusoo beegmay, iyadoo Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia uu ka socdo shirka Ururka Midawga Afrika,(UA), kaas oo hoggaamiyayaasha Afrika kaga arinsanayaan siddeed qodob oo kusheeya arrimaha dalalka Afrika, waxaana ajandaha qodobka lixaad ee hoggaamiyayaasha Afrika kusoo qaadayaan shirkaa uu sheegayaa In lagu riixo dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada inay tanaasul sameeyaan si ay Soomaaliya uga qabsoomaan doorashooyinka loo qorsheeyay.

Xubno ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ethiopia.9 Feb 2020, Araweelo News Network
Xubno ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ethiopia.9 Feb 2020, Araweelo News Network.


Dhinaca kale,Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isagoo ka qaybgelaya shirka Ururka Midawga Afrika ee ka furmay halka, balse lama ogga in labada hoggaamiye ee Somaliland iyo Soomaaliya, ama masuuliyiin ka socota labada dhinac kulamo yeelanayaan, maadaama Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo dalkiisa ay marti u wafa yihiin marar baddan oo hore isku deyay sidii ay kulamo fool-ka-fool ah u wada yeelan lahaayeen labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya.


Shirka Mawduucyada sannadkaan ku cusub ee lagu soo qaadayo shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika ee Addis Ababa oo ah shir sannadeedka Midowga Afrika (AU) ee sannadlaha ah, waxaa ka mid ah, waxa loogu yeeshay, “Aamusnaanta Hubka”, taasoo ka tarjumeysa himilooyinkii hore ee hay’addu ay ku doonaysay in lagu soo afjaro khilaafaadka, isla markaana lagaga hortago xasuuqa Afrika.