Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay go’aanka ay maanta gollaha guurtidu kasoo saareen soo jeedinta is waafajinta muddada loo cayimay doorashadda iyo muddada u hadhay gollaha wakiiladda Somaliland.

Madaxweyne Biixi, oo ka qaybgalay munaasibada xuska 27-guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka qaranka Somaliland oo lagu qabtay Taliska guud ee ciidanka, wuxuu soo dhoweeyay go’aanka ay soo saareen guurtidu.

Wuxuu bogaadiyey go;aanka, isagoo ku tilmaamay go’aanka  mid geesinimo leh ee ay golaha guurtidu ka gaadheen inay qabsoomidda xilliga doorashooyinka gollayaasha wakiillada iyo deegaanka ee horyaallay ku saleeyaan waqtigii ay dhawaan  isugu raaceen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Axsaabta qaranka oo isku duubani,wuxuuna tallaabadaa ku tilmaamay mid dhisaysa Dimuqraaddiyadda dalka.