Ceergaabo (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Arbacadii si rasmi ah u soo xidhay Shirka Nabadda ee Beelaha Gobolka Sanaag, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday magaalada Ceerigaabo, isla markaana maanta laga gaadhay is-afgarad, isu-soo dhowaansho iyo heshiis qaran oo taariikhi ah.
Madaxweynuhu waxa uu halkaa ka jeediyey hadalo isugu jiray dardaaran, duco iyo yididiilo Qaran oo xambaarsan nabad iyo walaalnimo, isaga oo ku booriyey beelaha reer Sanaag in ay sii xoojiyaan midnimada, is-qaddarinta iyo ilaalinta nabadda oo uu ku tilmaamay tiirka ugu weyn ee jiritaanka Qaranka Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro, wuxuu  aad u bogaadiyay haldoorka, waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Ceerigaabo ee dhexda u xidhay in la gaadho nabad waarta, iyo cid kasta oo door muuqda ka qaatay gogosha nabadda, isaga oo ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada reer Ceerigaabo iyo Guud ahaanba Gobolka Sanaag.
Shirkan nabadeed ayaa lagu soo gebagebeeyay jawi walaaltinimo iyo isu-soo-hilow, isaga oo noqday tusaale kale oo muujinaya sida ay Somaliland ugu faanto xallinta khilaafaadkeeda taasi oo ku dhisan wada xaajood, isu tanaasul iyo garawshiiyo.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu xusay in safarkiisu uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Xukuumaddu ay ku xoojinayso nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo mideynta ummadda Somaliland, isla markaana uu doonayo in talada dalka iyo masiirka bulshada lagu dhiso wadatashi iyo tixgelin ballaadhan oo ka timaadda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu Waxgaradka iyo Waayeelka Gobolka Sanaag kula dardaarmay in bulsho ahaan loo jeesto xagga horumarka bulshada iyo wax-soo-saarka, maadaama Gobolka Sanaag uu yahay gobol hodan ah oo leh khayraad badan oo kala duwan. Waxa kale oo Madaxweynuhu uu carrabka ku adkeeyay in Gobolka Sanaag uu heli doono dhammaan mashaariicda horumarka bulshada ee Gobol ahaan loogu talo galay.
Iyaguna dhankooda, Haldoorka, Waayeelka, Odayaasha iyo Hoggaanka Dhaqanka ee magaalada Ceerigaabo ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee uu u wado hawlaha Qaranka, gaar ahaan dedaallada uu gelinayo xoojinta nabadda, wadajirka ummadda iyo horumarinta dalka.
Dhankooda Odayaasha  muujiyeen kalsooni iyo taageero buuxda oo ay u hayaan hoggaaminta Madaxweynaha, dulqaadkiisa iyo sida uu u danaynayo isku-soo dhawaanshaha iyo nabadda dalka oo dhan.
Muuqaalkan ka Daawo Khudbada Madaxweynaha

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!