Hargeysa (ANN)-ย Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

๐€๐ฃa๐ง๐๐š๐ก๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š๐ ๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก๐š๐š:

๐Ÿ. Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab.

๐Ÿ. Warbixinta Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan.


๐Ÿ‘. Warbixinta Dhoofka Xoolaha iyo wax-ka-beddelka Qaabka ay Xooluhu u maraan dhoofka iyo sidii loo tayeyn lahaa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed

๐Ÿ’. Warbixinta Barnaamijka DALJIR oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan.

๐Ÿ“. Ka-hortagga iyo yaraynta Shilalka Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada: Waxa ka war bixiyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasiirradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab).

๐Ÿ”. Warbixinta Xaaladda Ceel-Afweyn iyo hanaqaadka nabadda iyo Weftigii ka socday Xukuumadda ee bulshada kala qayb galay farxadda Ciidal Adxa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.


 

๐Ÿ•. Samayta Siyaasadda Wasaaradaha iyo Waafajinta Qorshaha Guud ee Qaranka JSL: Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi.

๐Ÿ–. Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Tamarta iyo Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee JSL (๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ƒ๐ข๐ฉ๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐ญ๐ข๐œ ๐Œ๐ข๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐ฌ ๐€๐œ๐ญ):Waxa ka war bixiyey Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Mudane Cabdisamad Cumar Maal.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐