Araweelo News Network.

#Somaliland: Munaasibad Shaahaada-sharafyo Lagu Maamuusay Agaasimayaal Xilalka Loo Kal Wareejiyay Oo Lagu Majeertay Karti Iyo Dedaal

Hargeysa(ANN)-Munaasibad ay xilka kula kala wareegeen Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali oo dhowaan loo magaacay Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo hore u ahaa Agaasimaha Macdanta iyo Tamarta, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafunta.

 

Alt: Araweelo News Network

Agaasimayaasha warfaafinta iyo Tamarta oo xilalka loo kala wareejinayo Image Araweelo News Network 16 Jan 2021

Labada masuul waxa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar jaamac.

Munaasibada waxa kale oo ka qaybgalay ka qaybgalay Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha gaadiidka, gaashaandhiga, guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, Agaasime waaxeedyada wasaaraddaha warfaafinta iyo Tamarta, shaqaale weynaha labada wasaaradood iyo sidoo kale guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, masuuliyiinta waaxaha labada wasaaraddood, shaqaale iyo martisharaf kale.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Gaadiidka, Gaashaandhiga, guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo Abwaan Xasan Saleebaan Laab-saalax, oo ka hadlay munaasibada ayaa hambalyeeyey agaasimeyaasha xilka la kala wareegayey, iyagoo Allah uga baryay inuu u fududeeyo xilalka qaran ee loo igmaday,  isla markaana tilmaamay kartidooda iyo aqoontooda waayo aragnimo ee ay u leeyihiin shaqada agaasimka.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed, guddoomiyayaasha ururada saxaafadda ee haweenka Wija iyo Fima yaasmiin Axmed Yuusuf iyo Saynab Maxamed Cabdi, ayaa dhankooda sheegay wada shaqaynta ka dhaxaysa ururrada saxaafadda Somaliland iyo wasaaradda warfaafinta, waxayna tilmaameen in uu si wanaagsan ula shaqeeyey agaasimihii hore ee warfaafintu oo xilligan la wareegay xilka Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali, waxayna  agaasimaha guud ee warfaafinta ka rajeeyeen inay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan.

Agaasimayaasha warfaafinta iyo Tamarta oo xilalka loo kala wareejinayo Image Araweelo News Network 16 Jan 2021.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, ayaa ammaan ballaadhan u jeediyey agaasimaha guud ee loo soo magacaabay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, isagoo ku majeertay mudadii uu la shaqeynayay shakhsi la yimi karti, aqoon, dulqaad iyo daacadnimo.

Wasiirka ayaa dhankiisa sidoo soo dhoweeyay agaasimaha guud ee loo bedelay Mukhtaar Maxamed Cali, oo uu rajeeyey in si wanaagsan u wada shaqayn doonaan wasaarad ahaan.

Dhankiisana agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaacii, oo munaasibada ka hadlay ayaa ka xogwaramay waxqabadkii mudadii uu agaasimaha guud ka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, isaga oo tilmaamay inay waxqabad ballaadhan ay ku talaabsadeen intii uu xilkaas hayay, isla markaana wuxuu u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda macdanta iyo Tamarta oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen, isagoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ee uu hada agaasimaha guud ka yahay u ballanqaaday inuu ku maamuli doono caddaalad iyo sinaan.

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali, oo ka hadlay halkaa, ayaa si qodo dheer isu dultaagay guulihii waxqabad ee ay ku talaasadeen mudadii uu hayay xilka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, wuxuuna tilmaamay qorshayaasha wax ku oolka ah ee ay u diyaariyeen mustaqbalka.

Agaasime Muqtaar oo shaqaalaha wasaaraddu u muujiyeen dareen ay ku majeerteen mudadii uu xilkaa hayay siday ugu riyaaqeen dedaalkiisa,  ayaa u mahadceliyey shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, isagoo ku ammaanay sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo sagootiyey Agaasimihii hore ee warfaafinta oo xilligan ah Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Tamarta, wuxuuna uga mahadceliyey wakhtigii ay soo wada shaqeeyeen sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen.

Cabdinaasir, wuxuu sidoo kalena soo dhaweeyey Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, isaga oo ballanqaaday inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan, isagoo xilalka u kala wareejiyay markaa kaddib wasiir ku xigeenku, isla markaana gunaanadadkii agaasimayaashan guddoonsiiyay shahaada-sharafyo mid walba gaarkiisa loogu maamuusay.