Araweelo News Network.

Burco: Haween Ka Gedooday Haweenay Dan Yar Ah Oo Dil Iyo Kufsi Laysu Raaciyay Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay

Burco(ANN)_Haween ka mid ah kuwa magaalada Burco ayaa isugu soo baxay shaaracyada Magaalada, kuwaas oo ka murrugooday Haweenay haysatay laba carriuur ah oo naafo ah, oo lagu dilay duleedka Magaalada.

Haweenka, ayaa ku dhawaaqay ereyo naxdin iyo muurugo baddan, iyagoo ka waramayay nollosha ay haweenaydaasi la daalaa dhacaysay, waxayna qaarkood ku doodeen in la kufsaday kaddibna la dilay, wallaw aan weli warbixin rasmi ah maamulka gobolka iyo Boolisku kasoo saarin sida uu dilka Haweenaydaasi u dhacay iyo cidda loo qabtay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan ugu baaqaynaa inuu tallaabo ka qaado arrimahan naxariis-darada ah oo dilalka iyo kufsiga lagu hayo haweenka.” ayaa ka mid ahaa ereyadii ay ku dhawaaqayeen.

“Kufsiga waa la arki jiray ee dilka foosha xun ayaa muujinaya naxariis-daro, waxaan u aragnaa weerar lagu soo qaaday dumarka” ayay tidhi, mid ka mid ah haweenka isugu soo baxay Magaalada Burco.

Sidoo kale, waxay sheegeen in Haweenaydaa oo haysatay laba carruur ah oo naafo ah, isla markaana ku noollayd Buul yar Aqal Soomaali yar, la daalaa dhacaysay sidii ay carruurtaa nolloshooda ula xarbiyi lahayd, iyadoo sida ay sheegeen xayn yar oo Adhi ah ku haysatay halkaa.

AKHRI: Somaliland: Xukun Ciqaab Ah Iyo Mag-dhaw Lagu Riday Nin Gabadh Yar Kufsada

Dhinaca kale, Badhasaabka gobolka Togdheer, ayaa sheegay in baadhitaan lagu hayo sababta keentay dil qof dumar ah loogu geystay Magaalada Burco.

Maxamed Diiriye Xayd, Badhasaabka gobolka Togdheer oo warbaahinta u waramay, ayaa ficil fool-xun ku tilmaamay arrintaa.

AKHRI: Dadweynaha Burco Dareenkooda Ka Muujiyay Haweenay La Dilay

“Gabadh la dilayo oo wax lagu samaynayo waa arrin kusoo korodhay Somaliland, Raadad la raacayaa way jiraan, waanu ka murugaysanahay, qoyskiina waxan Allah uga baryaynaa inuu samir iyo Iimaan ka siiyo oo Cawil khayr qaba ugu beddelo, waxay ahayd qoyaastii salaadii Casar kaddib, waxa laga helay Xaafadda Samir iyo Iimaan, ama 27 May ee duleedka Magaalada Burco, mana jirin cid arkaysay, waxay la joogtay Adhi, ” ayuu yidhi.

AKHRI: Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Qaabka Loo Dilay Haweenay Lagu Khaarajiyay Hargeysa

Guddoomiye Xayd, wuxuu sheegay in baadhitaanka socda aannu ka hordhacayn, balse ay jawaabta ka sugayaan Booliska gacanta ku haya iyo Dhakhaatiirta.

READ: Somaliland: Court Sentences Man Accused of Killing and Rape of 18-Year-Old Girl

Dhacdooyinka foosha xun ee Kufsiga iyo dilka loo geysanayo haweenka, ayaa kusoo kordhay Somaliland sannadihii u danbeeyay, waxaana gobolka Togdheer iyo Saraar ka dhacay dhawr Kiis oo dilal iyo kufsi wada socda, kuwaas oo qaarkood dadkii lagu eedeeyay in ay geysteen gacanta lagu dhigay, isla markaana ay maxkamaddaha qaarkood xukun ku rideen eedaysanayaashii loo haystay kiisas sidan oo kale ah.