Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro),  ayaa ka hadlay mawqifkiisa muranka kuraasta golaha Wakiillada, xadhigga muwaadiniinta, Dhismaha Madaxtooyada cusub iyo isbedelka xisbigiisa.

Guddoomiyaha WADDANI, Dr Cirro, wuxuu ku dooday in Somaliland aanay baahi u qabin Madaxtooyo cusub, iyadoo sida uu xusay Xukuumaddu sheegaysa in 1.5 Milyan qof oo u dhashay Somaliland ay macaluul ugu jiraan halis, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyay Telefishanka SAAB.

 “Horta wax walba mudnaan bay kala leeyihiin, Xukuumadda Muuse Biixi,  dhawr cisho ka hor waxay tidhi ‘Milyan iyo badh baa shacbigii gaajo u dhimanaya’ waxa la soo sheegayaa daymo xukuumaddu markii hore qarinaysay oo fara badan, waxaas oo dhan iyada oo ay shacbiga haystaan oo dayntaasi ku maqan tahay la qarsanayay, iyada oo la leeyahay shacbigii milyan iyo badh baa gaajo u dhimanaya mudnaan umma aha Somaliland inay guri cusub oo qasri Madaxtooyo ah dhisato oo ay ku bixiso lacag fara badan oo aan la garanayn tiradeeda, arrintaasi umma arko inay mudnaan tahay,  annagu haddii aannu iman lahayna mudnaan nooma ahaateen oo waxa ka horaynaya adeegyada iyo arrimaha kale ee Qaranka ka qabyada ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay qaabka Somaliland loogu qaybinayo kuraasta wakiillada, isagoo arrinta ku riixay masuuliyadeeda dhinaca madaxweyne Biixi, “Kulankii ay yeesheen Axsaabtu bishii September 2018, annaga rayigayagu wuxuu ahaa maaddaama dadku ku muransan yahay gobollada iyo tirada shacbiga oo aan tiro koobna laga qaadin 30-kii sanno ee Somaliland jirtay in tira koob la qaado dabeedna tiro koobka lagu saleeyo waa taladii xisbigu soo jeediyay laakiin, taasi waxay u baahan tahay wakhti iyo lacag, doorashadii 2005-na waxa lagu qaybiyay 33-kii kursi ee Ingiriisku inooga tagay oo lagu dhuftay 2.5 runtii dhinac marka laga eegana si isku mid ah baa loogu qaybiyay oo cidna wax dheeraad ah lama siin oo dhinac Caddaalad bay ka ahayd,  laakiin cabashada gobollada oo weliba Awdal ugu horayso iyo Soolba in la tixgeliyo waxay ila tahay arrin mudan inay tahay. Saddexda xisbi 2016 waxay ku heshiiyeen in saddexda guddoomiye xisbiga Muuse oo ahaa guddoomiyaha Kulmiye, aniga oo ahaa guddoomiyaha Waddani iyo Faysal oo ah guddoomiyaha UCID,  in aannay asxaabtu ku filnayn inay arrintaa xalliyaan,  dabeedna Madaxweynaha ayaanu u qornay warqad aanu leenahay Madaxweynuhu ha xalliyo go’aanka uu soo gaadhana saddexda xisbi way aqbalayaan,  Muuse ayaana maanta madaxweyne ah waraaqdaasina xafiiskiisa ayay taalla, waxaan qaba Baarlamaankuna ma xallin karo, guurtina ma xallin karto ee maanta isaga ayay u taallaa,  shalay Siilaanyo ayuu lahaa “ha xalliyo isagaa madaxweyne ahe” dee maantana isaga ayay u taalla isaga madaxweyne ahe,” ayuu yidhi.

Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo la waydiiyay sida uu u arko xadhigga xukuumadda madaxweyne Biixi kula kacday muwaadiniin kala duwan intii ay talada haysay, ayaa yidhi,  “ Arrimahaasi waa gef. Qofka wax sharci ah uun baa lagu xidhi karaa, muwaadinka xuquuqdiisa waxa xaqiijiyay dastuurka JSL, Saxaafadda dastuurka ayaa xaqiijiyay inay madax bannaan yihiin, markaa waa gefaf dhacay oo ku tumasho xuquuqda Aadamaha iyo madax bannaanida saxaafaddaba gef lagu sameeyay weeye, waxyaabihii reer KULMIYE markii UDUB joogtay ku eedayn jireen bay ka mid tahay,  laakiin waxaynu ka warqabnaa rikoodhkii ugu sareeyay ee saxafiyiin la xidho, joornaalo la xidho iyo cabudhinta shacabka maamul kasta oo soo maray ka KULMIYE ayaa kaga badan maanta.”

Guddoomiyaha WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Cirro oo la waydiiyay inuu xisbigiisu gabay kaalintii mucaaradnimo, ayaa yidhi, “ Maya, waxaan isleeyahay mucaaradadda sida KULMIYE, u yaqaan  iyo sida aanu u naqaano ayaa kala duwan, iyagu (Kulmiye) mucaaradnimada bog qudha ayay ka barteen oo waxaanu doonayna mucaaradad tii Kulmiye ka duwan oo xukuumaddana loogu tilmaamayo khaladaadkeeda,  laakiin aan ahayn dhengad baanu kaga soo saaraynaa in aanu la nimaadno.”

Mar uu ka jawaabayay waxa hor taaggan isbedel uu xilli hore sheegay inuu ku samayn doono xisbigiisa, wuxuu yidhi,  “Waanu ballanqaadnay waanu fulinaynaa,  hadda ayaanu bilawnay waanu wadnaa qolof-ridkii xisbiga,  sidaa aanu u balanqaadaynaa wuu soconaya waanu dhammaystiraynaa Insha Allah.”