Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga SACP, ee dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Shuuciga Koonfur Afrika ( South Africa Communist Party-SACP).
Booqashada saraakiisha Xisbiga Shuuciga ee SACP, ku yimaadeen Somaliland, ayaan la ogayn waxay la xidhiidho iyo arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Madaxtooyadda ayaan wax war ah kasoo saarin ujeedada booqashada saraakiisha ee xilligan.
Hase yeeshee qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga Madaxtooyadda ee shebekadda Facebook, ayaa lagu sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland oo aan wax faah-faahin ah laga bixin.
Qoralka  ayaa lagu sheegay in kulanka ay la yeesheen  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland saraakiisha xisbiga SACP, ay ku weheliyeen,  miwasiirada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha,  Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).
Xisbiga
Sidoo kale, waxa magacyada saraakiisha ka socday Xisbiga Koonfur Afrika lagu sheegay inay kala ahaayeen Mr Abner Mosaase, Mr. Malose Ramashala iyo Mr Allen Magumbi, kuwaas oo aan la ogayn qorshaha safarkooda iyo mudada ay joogayaan Somaliland.
Xisbiga Koonfur Afrika ee (South African Communist Party), waa
Xisbi shuuci ah oo ka jira Koonfur Afrika. Waxaana  la aasaasay 1921, balse  waxa sharci daro ku tilmaamay 1950kii xisbiga talada haya ee ANC, (The African National Congress Party), kaas oo la aasaasay 1921,wuxuuna SACP, ka qeybqaatay halgankii lagu joojinayay nidaamkii midab kala sooca ee dalkaa ka jiray mudada dheer.
Balse labada Xisbi ayaa ah lammaane ku jira  Isbahaysiga Saddex-geesoodka ah ee la leh Golaha Qaranka ee Afrika  iyadoo Xisbiga ANC ee uu  hoggaamiyaha ka ahaa mudada dheer halyaygii reer Koonfur Afrika ee Nelson Mandela ku guulaystay doorashooyinkii 1994, tan iyo waqtigaana wuxuu Xisbiga ANC, ahaa ka majaraha u haya siyaasada dalka, isagoo isbahaysi la leh xisbiyada kale ee siyaasada.
Xisbiga Shuuciga ah ee SACP, waxa lagu tilaamaa inuu door ka ciyaaray horumarinta Axdiga Xorriyadda iyada oo loo marayo kaadiriinta oo si furan uga dhex muuqday Isbahaysiga Koongaraska ee ANC, iyo urur hoosaadka Xisbiga.