Araweelo News Network.

Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland, Dar-daarankii Duur-xulkii Iyo Weedhihii Masuuliyiinta Ka Hadlay

 

Hargeysa(ANN)-Shirweyniha 7aad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,  ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay masuulyiin xukuumadda ka tirsan, marti-sharaf ka socotay ururada Bulshada iyo daneeyayaasha saxaafada, Ergooyin gaadhaya 100, kuwaas oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada shirweynaha 7-aad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Mawliid Maxamed Shaqale, ayaa ka warbixiyay sidii ay usoo agaasimeen shirka iyo ujeedooyinka loo qabanayo, wuxuuna sheegay in shirkaa oo saddexdii sannadoodba mar la qabto si loogu doorto hoggaankii ururka saddexda sannadood ee soo socda iyo in wax ka bedel iyo kaabis loogu sameeyo xeerrarka iyo dastuurka Ururka.

Guddoomiye Mawliid, wuxuu sheegay in guddi ahaan markii ay shaaciyeen, iyagoo ka duulaya shuruucda iyo xeerka ururka  cidda doonaysa in ay tartan u galaan hoggaanka ururka iyo shuruudaha looga baahanyahay, isla markaana ay muddeeyeen ay labaatan qof oo buuxiyay shuruudaha ay usoo gudbiyeen waxayaabihii looga baahnaa, kuwaas oo sida uu sheegay lagu dooranayo shirka oo soconaya laba maalmood, si ay uga soo baxaan 15-ka xubnood ee hoggaanka ee bedelaan xubnihii hore ee soo hoggaaminayay saddexdii sannadood ee danbeeyay ururka.

“Muddo todobaad ah oo ka bilaabmaysay 19- 26 december, ayaa loo qabtay tartamayaasha si ay usoo gudbiyaan waxyaabaha looga baahanyahay, balse guddidu iyadoo fursad siinay cidda hunguri ka hayo hoggaanka ururka waxay kordhisay mudada oo lagu daray laba maalmood oo ku ekayd 12 duhurnimo 28 December.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha qaban qaabada Mawliid Shaqale, wuxuu sheegay in Saxaafada Somaliland soo martay marxalado iyo duruufo adag, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in mar walaba maanka lagu hayo masuuliyada iyo waajibaadka qofka suxufiga ah oo suxufiyiintu fahmaan ujeedada uu ururka suxufiyiinta Somaliland u dhisan yahay iyo dariiqooyinka loo soo maray dhismihiisa.

 

“ waxan usoo jeedinayaa weliba dhalinyarada saxafada casriga ah iyo Tignoolajiga ku garaadsatay in ay kor eegaan oo fahmaan tacabka dalkan iyo dadkan ay suxufiyiintii ka horeeyay geliyeen oo qaar badan nafahooda ku waayeen,  loona baahanyahay inay muujiyaan doorka iyo waajibaadka qaranka ay ku leeyihiin iyo dhismaha bulshadooda.

Sidaa awgeed waxan ku dar-daarayaa dhalinyarada saxaafada in aannay iska horaysiin hankooda iyo hungurigooda ee ay gartaan waajibka qarankooda ka saaran iyo waxa ay ka sugayso bulshadu.” Ayuu yidhi, Mawliid Shaqale oo la dar-daarmayay dhalinyarada, wuxuuna usoo jeediyay in layska ilaaliyo khilaafka iyo kooxaysiga oo ay muujiyaan dulqaad iyo isku duubni.

Wasiirka wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo furitaankii shirka ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahanyahay dulqaad iyo in la muujiyo isku duubni, wuxuuna ka sheekeyay marxaladihii ay soo martay Saxaada Somaliland iyo doorkii ay ku lahayd dib u dhiska dalka.

Wasiir Saleebaan Cali Koore, wuxuu sheegay in aannay cidna ka cadhoonayn suxufiga sida saxda ah wax u dhaliilaya ee toosinaya oo ay xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaanba soo dhowaynaayan, balse wuxuu xusay in saxaafadda Somaliland aan loo ogolayn inay ka hadasho arrimaha taabanaya ee waxyeelaya amniga guud ee qaranka.

Wuxuu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay marnaba diidanayn wixii dhaliil ah ee xaqiiqada ku qotoma ee ay warbaahintu soo tebiso.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wuxuu Shirweynaha 7-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ka rajeeyay in uu noqdo mid guul u horseeda Saxaafadda Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu usoo jeediyey Xubnaha ergada ee Shirweynaha fadhiya inay tixgelin gaar ah siiyaan Tabashooyinka ka soo yeedhaya qaar ka mid ah Saxaafiyiinta Somaliland oo Saluugay qaabka loo qabtay Shirweynahan, isla markaana hoggaanka la doortaa uu noqdo mid meleta qaranka oo aannay cid gaar ahi ka muuqan ee laga wada arko gobollada ee aannu noqon Hargeysa, isagoo intaas ku daray in aannay jirin wax dibin-daabyo ah oo Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay shirkaasi u gaysanayso.

 

Sidaa awgeed wuxuu sheegay in inay u rajaynaayan inuu guulaysto shirku oo hoggaanka kasoo baxaa noqdo mid metela suxufiyiinta oo cadaalad ku yimi,  kaas oo sida uu sheegay ay xukuumad ahaan taageerayaan oo ay kula shaqaynayaan go’aanka Shirweynaha 7-aad ee Ururka Solja.

Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuuse oo ah wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, isla markaana xilligan ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, ayaa hadal uu ka jeediyay madasha shirka ka sheegay in uu dhex-dhexaadin ka sameeyay dhalinyaro saxaafada ah oo ka cabayay qaabka shirka loo waday, wuxuuna sheegay in uu ku guulaystay oo ay maqleen ergadiisa.

Cabdullaahi Maxamed Daahir, wuxuu dar-daraan usoo jeediyay suxufiyiinta ergooyinka shirka, wuxuuna ka waramay waajibaadka qofka suxufiga ah, isagoo dhinaca kalena soo qaatay marxaladihii ay soo martay saxaafada Somaliland iyo xilligan casriga ah.

Suxufiga Ruug-cadaaga ah Xuseen Cali Nuur oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa dhankiisa ka sheekeeyay xilligii ay isaga iyo 8 suxufi oo kale aasaaseen ururka SOLJA, wuxuuna sheegay  in ay ku jireen marxalad adag oo ay weliba ku xidhnaayeen xabsiga, iyadoo loo xidhay si loogu cabsi geliyo in aannay ka hadlin dhacdooyinkii markaa socday, walaw uu sheegay in aannay taas aqbalin, balse maanta farxad weyn ay u tahay inuu ururkii ay xilligaa aasaaseen maanta shaqaynayo oo tacabkoodu midhihii ka dhashay ay dhalinyarada suxufiyiinta Somaliland guranayaan.

Xuseen Cali Nuur, wuxuu sheegay in qofka suxufiga looga baahan yahay dulqaad, wadaniyad iyo inuu qarankiisa u adeego iyo dadkiisa oo fahmo waajibka iyo haybada uu leeyahay, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay dhalinyarada safaaxada inay iyagoo gudanaya waajibkooda iyo in la saxo xukuumadda aannay marnaba maanka ka saarin ahmiyada difaaca qaranimadooda iyo ilaalinta midnimadooda.

Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh oo ka mid ahaa aasaasayaashii saxaafada Somaliland ayaa saxafiyiinta Somaliland u soo jeediyay in shirkoodu u qabsoomo si habsami ah, maadaama oo uu yahay ururka ay ku midaysan yihiin dhammaan saxafiyiinta Somaliland, wuxuuna intaa ku daray in jirtaanka ururka SOLJA uu kaalin wayn kaga jiro harumarka saxaafadda Somaliland, iyadoo xoriyadda saxaafadda ee ay haystaan saxafiyiinta Somaliland ay ka mid tahay waxyaabaha ay Somaliland kaga horayso wadamo badan oo caalamka.

Gudoomiyaha Ururka Solja ee Muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mudadii lixda sano ahayd ee uu hogaaminayay ururka ku talaabsaday horumaro dhinacyo kala duwan leh, kuwaas oo ay ka mid tahay in kor loo qaaday aqoonta guud ee saxafiyiinta ku midaysan ururka, isla markaana aannay maanta jirin suxufi ku xidhan xabsiyada, isagoo difaacidda Weriyeyaasha lagu guulaystay, iyadoo loo marayo dariiq sharci.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in waxyaabaha uu qabtay ay mid yihiin kor u qaadida aqoonta guud ee saxafiyiinta dalka, iyadoo saddexdii sanno ee u dambeeyay ay ku guulaysteen in jaamacadda Hargeysa laga hirgaliyay kuliyad lagu barto cilmiga saxaafadda, taas oo ay wax ka barteen saxafiyiin kala duwan, kuwaas oo qaatay shahaadooyinka Degree iyo Diploma ah oo cilmiga saxaafadda ah.

Markaa kaddib ergadii ka qayb gashay Shirweynaha ayaa doortay Saddex xubnood oo hagi doona Shirweynahan labada cisho socon doona, waxaana maalinta beri ah lagu dooran doonaa 15 Xubnood oo noqon doona Hoggaanka Ururka Solja ee Muddada saddexda sannadood ee fooda inagu soo haya maamuli doona Ururka.